Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Golaha Shacabka: Maxay musharraxnimada Xidig u dhimi kartaa Farmaajo iyo Deni?

Gudoomiyaha Golaha Shacabka: Maxay musharraxnimada Xidig u dhimi kartaa Farmaajo iyo Deni?

0

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kamid ah mudanayaasha shalay lagu dhaariyay Muqdisho, lagana soo doortay Kismaayo, ayaa shaaciyay inuu u tartamayo xilka gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Dhowr iyo laabatankii sano ee la soo dhaafay, waxaa xilkaas loo dooran jiray siyaasi ka soo jeeda Koonfur Galbeed, halka Xidig oo doorashadii u dambaysay ee January 2017 galay kaalinta labaad uu noqday qofka labaad ee ugu codadka badan.

Xiildhibaan Xidig ayaa farriin uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay inuu “fahansan yahay waajibaadka hogaaminta baarlamaanka, isla markaana uu yahay waayo arag u qalma xilkaas”.

Waxaan sameynay isku day aan kula xiriireyna Xiddig si ana arrintan wax uga weydiino, balse inooma suuragalin.

Dad falanqeeya doorashada Soomaaliya ayaa u arka musharraxnimada Xidig mid caqabad ku noqon karta rajada ay leeyihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Siciid Deni oo labaduba raba inay ku guulaystaan madaxtinnimada dalka.

Maadaama Xidig uu ku qoondo yahay labadaas nin marka la eego hannaanka 4.5, haddii uu ku guulaysto doorashada gudoomiyaha golaha shacabka, waxaa meesha ka baxaysa fursaddooda, ayay leeyihiin dadka darsa qaab dhismeedka dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Ad
Previous articleFaadumo Cali: Kalkaalisada Soomaaliyeed ee labo sano gudaheed ku noqotay milyaneer
Next articleDad ka badan 150 oo ku dhaawacmay rabshado ka qarxay Masjidka Al-Aqsa (Sawirro)