Home Wararka Maanta Gudomiyaha Cusub ee Golaha shacabka oo Si Rasmi ah Xilka Ulawareegay Balanqaad...

Gudomiyaha Cusub ee Golaha shacabka oo Si Rasmi ah Xilka Ulawareegay Balanqaad Culusna Sameeyey

0

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegtay, kadib markii 27-kii bishan April loo doortay guddoomuyaha baarlamaanka.

Aadan Madoobe oayaa waxaa marka hore kulanka kusoo dhoweeyey guddoomiyihii KMG ahaa ee Golaha Shacabka, Cabdisalaan Dhabancad oo ay shaqadii usoo dhammaatay.

Guddoomiyaha cusub oo hadal ka jeediyey kulanka oo uu maanta buuq harreeyey, ka hor furitaankiisa ayaa ugu baaqay xildhibaanada inay is dajiyaan, wuxuuna ku dhowaaqay in ajandaha maanta uu yahay kaliya xil wareejinta guddoonka cusub ee baarlamaanka.

“Maanta wixii ka dambeeyo ayaan bilaabeynaa howsha, wixii ka horreeyey ku simaha ayaa soo waday,” ayuu yiri guddoomiyaha cusub

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Wax kasta oo u baahan in la saxo waxaan isugu imaan doonaa Ciida kadib,” ayuu sii raaciyey.

Intaasi kadib, waxaa hadal jeedinta qaatay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dukumintiyada baarlamaankii 10-aad iyo xilkaba ku wareejiyey guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Mursal ayaa sidoo kale khudbaddiisa kaga hadlay waxqabadkiisii iyo shaqadii baarlamaankii hore ee dalka, isaga oo sheegay inay yeesheen illaa 26 kulan, sidoo kalena ay dhiseen xarumo u gaar ah xildhibaana baarlamaanka Soomaaliyeed, si ay ugu shaqeeyaan.

Gabagabadii Sheekh Aadan Madoobe oo soo xiray kulanka maanta ayaa waxa uu ku dhowaaqay in markale ay isku soo noqon doonaan 4 bisha soo socotay ee May, kadibna ay ka hadli doonaan shaqooyinka horyaalla oo ay ugu horreyso doorashada madaxweynaha.

 

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoonaa Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg
Ad
Previous articleXildhibaanada Gollaha Shacabka oo kulmaya iyo Ajandaha kulanka oo la shaaciyay
Next articleQarax xoogan oo Lala eegtay Konayl Saneey Cabdulle iyo Saraakil badan oo ku Dhimatay