Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Gudiga Doorashooyinka Heer federaal oo War Cusub kaso Saaray 3 kursi oo...

Gudiga Doorashooyinka Heer federaal oo War Cusub kaso Saaray 3 kursi oo Baladweyne Taalay

0

Guddiga doorashada heer federaal ayaa xalay qoraal ay soo saareen waxa ay ku hakiyeen doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta gollaha shacabka ee lagu dooranayo magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

War kale oo xalay xilli dambe kasoo baxay guddiga doorashada heer federaal ayey hadana ku shaaciyeen in la fasaxay doorashada saddexda kursi ay horey u hakiyeen, waxa ayna shaaciyeen in la saxay habraacyada doorashada kuraastaasi.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiino ayaa sheegay in cabasho laga keenay habraaca doorashada kuraasta ay hakiyeen, balse hada dib loo fasaxay sida uu tilmaamay markii la xaliyay cabashadii laga keenay saddexaasi kursi.

Waxa uu sheegay afhayeenka guddiga doorashada in saddexdan kursi doorashadooda hada fasaxyihiin uuna fillayo in maanta salaada duhur kaddib lagu doorto magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kuraastan la hakiyay hadana la fasaxay ayaa maalmihii lasoo dhaafay muran ka taagnaa doorashadooda, waxaana kuraastan ku fadhiya mar kalana doonaya xildhibaanada kala ah Daahir Amiin Jeesow, Cabdidirisaaq Jindi iyo Cumar Cismaan Waasige.

Musharaxiinta iyo dadka iska leh kuraastan ayaana si weyn uga soo horjeeday in loo xiro musharaxiin si gaar ah u wataan Madaxda Hirshabelle iyo Villa Soomaaliya, waxaana baledweyne ka bilowday dhaqdhaqaaqdo ciidan oo looga soo horjeeday in kuraastan dad gaar ah loo xito.

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoonaa Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg
Ad
Previous articleGuudlaawe iyo Dabagees Heshiis ka Gaaray Muranki ka Taagnaa Baladweyne(aqriso)
Next articleWasiirka Arimaha Dibada Ruushka oo ku sugan Turkiga si uu ula hadlo Dhigiisa Ukraine