Home Wararka Maanta Gudiga Doorashada Somaliya oo Sheegay in Bisha June La Qabanayo Doorasho Qof...

Gudiga Doorashada Somaliya oo Sheegay in Bisha June La Qabanayo Doorasho Qof iyo Cad ee Dowladaha Hoose

0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaran ee Soomaaliya ayaa sheegay in doorashooyinkii ugu horreeyay ee qof iyo cod ee golayaasha deegaanka la qaban doono bisha Juun ee soo socota.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in la bilaabi doono diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka eeĀ  degmooyinka iyo deegaanada ku hareeraysan.

Gudddoomiyaha guddiga doorashada wuxuu xusay in shaqaalihii doorashooyinka la tababarayĀ  lana diyaariyay qalabkii codbixinta doorashada.

Muddada uu guddigu shaaciyey in doorashooyinka dowladaha hoose lagu qaban doono waxaa ka harsan wax ka yar labo bilood.

Dhanka kale, labo ka mid ah dowlad-goboleedyada ugu waaweyn ee Puntland iyo Jubbaland ayaa xiriirka u jaray dowladda federaalka. Lama oga sida ay dowladda federaalku uga hirgelin doonto doorashooyinka deegaanada maamulladaasi.

Qaramada Midoobay oo taageeraysa doorashooyinkan, ayaa ka shaqeynaysa in Golaha Wadatashiga uu isku yimaado bisha Abril ee soo socota, si looga shiro arrimaha qabsoomidda doorashooyinka dalka.

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Raā€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleDowlada oo soo bandhigtay Magacyada Horjoogayaal ka tirsan Shabaab ee Duqeynta lagu dilay
Next articleAbiy Ahmed oo Sheegay in Itoobiya aysan Rabin Dagaalka Ereteriya si ay Bad u hesho