Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan, xilli ay marayeen duleedka Beledweyne.
Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in guddoomiye Cali Cali Jayte iyo ciidamo la socday lagula beegsaday deegaanka Beerxaani ee gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu qabsaday gaari ciidan oo kamid ahaa kolonyada galbineysay guddoomiyaha oo xalay ku hoyday deegaanka Baardheere ee gobolkaasi.
Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay qaraxaan, halka uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay mudug24Â u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.
Sidoo kale ciidamada la socday Cali Jayte ayaa howlgal kooban ka sameeyay halka lagu qarxiyay, waxayna kadib sii wateen socdaalkooda, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan guddoomiyuhu ku dhawaaqay howlgal culus oo ka bilaabanaya koonfurta Hiiraan, si looga saaro Al-Shabaab.
Kooxda ayaa inta badan ku xoogan deegaanadaasi, waxayna kasoo talaabadaan wabiga, ayaga oo kadib weeraro culus ka fuliya waddooyinka isku xira degmooyinka gobolkaasi.
Guddoomiye Cali Jeyte oo hormuud ka ahaa howlgalkii kooxda looga xoreeyey bariga gobolka Hiiraan ayaa dhawaan gaaray magaalada Beledweyne, isagoo ballan qaaday inuu galbeedka gobolkaas ka bilaabayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.