Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku doorteen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka BFS.
Kulanka oo ka dhacay xafiiska guddiga ee xarunta guddoonka iyo guddiyada Villa Hargeysa, waxa ay xubnaha guddiga ku doorteen Guddoomiyaha cusub ee guddiga oo ay u doorteen Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame kuna magac dheer ah Xildhibaan Qawdhan.
Xildhibaan Qawdhan ayaa badeli doona guddoomiyihii hore ee guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux oo dhowaan loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.
Doorashada kadib Xildhibaan Qawdhan ayaa ka mahadceliyay inay mudanayaashaan u doortaan Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda waxaana eebe uu ka rajeeyay in shaqadaan u fududeeyo.
Ugu dambeeyntii, Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Guddoomiyaha cusub ee guddiga maaliyadda kula dardaarmay inuu dardargeliyo shaqada guddiga, isaga oo xubnaha kale guddiga ku booriyay in ay guddoomiyaha cusub la shaqeeyaan.