Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ka baxay xayndaabkii Somaliland.
Madaxweyne Ku xigeenka oo waraysi siiyay warbaahinta, ayaa Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ku eedeeyay in uu ku kacay fal ka dhan ah jiritaanka Somaliland kadib markii uu taageeray go’aamadii garaadada ku sugan magaalada Laascaanood.
Madaxwwynu ku xigeenku waxa uu sheegay in guddoomiye Khaliif uu taageeray guddida 33-ka ah oo uu sheegay in anay cidna dooran, isla markaana uu hoos tagay calanka buluuga ah ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in laga rabay in uu isagu wax saxo ee aanu raacin.
Warka maanta kasoo yeeray Saylici ayaa imanaya ayada oo weli aan xal loo helin xiisadda Laascaanood, halkaasi oo odayaasha deegaanka ay dalbanayaan in ciidamada Somaliland ay ka baxaan, markaas un kadibna la furi karo wada-hadal.