Home Wararka Maanta Guddoomiyaha golaha Barlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo codsi u jeediyey Bulshada rayidka

Guddoomiyaha golaha Barlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo codsi u jeediyey Bulshada rayidka

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka wado holwaha doorashada ayaa markaan la kulmay qeybaha kala duwan ee ururadda bulshada rayidka.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Sheekh Aadan Madoobe ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay kaalinta ay ururada bulshada rayidka ka qaadan karaan arrimaha doorshada madaxweynaha dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ururada bulshada ka codsaday inay kala shaqeeyaan sidii dalka ay uga dhici laheyd doorashada madaxweynaha oo lagu ballansan yahay 15 May ee sanadkaan.

Ururada Bulshada ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka u ballan qaaday inay garab ku siinayaan doorashada inta ay awoodaan, waxayna guddoomiyaha cusub uga mahadceliyeen waqtiga uu gelinayo doorashada.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ku booriyey bulshada rayidka in ay kaalintooda horumarineed ay sii laba jibbaaraan si dalka looga bixiyo xaaladaha qatarta ah ee uu wajahayo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa tan iyo markii la doortay kulamo kala duwan oo ku saabsan Arrimaha doorashooyinka wada, iyada oo muddo kooban ay ka harsan tahay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Doorashada Soomaaliya ayaa waxay soo jiitameysay muddo 1 sano ah, waxaana ugu dambeyn suurta gashay inuu dalka yeesho Baarlamaanka iyo guddoomiye taasoo dalka ka badbaadisay firaaq dastuuri ah.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleSoomaaligii ugu Horreeyay ee Xildhibaan ka noqda Finland oo lagu Dheggan yahay.
Next articleKursigii ay ka Geeriyootay Xildhibaanad aamino oo lagu Kala Baxay