Home Wararka Maanta Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo Amar Culus soosaaray

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo Amar Culus soosaaray

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa amaro ka soo saaray dhulalka gaarka loo leeyahay iyo kuwa danta guud ee caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa si KMG ah u hakiyay dhammaan arrimaha la xariira dhulalka, isagoona faray agaasimeyaasha shaqada ku leh waaxahaas in illaa iyo amar danbe aan howllo la xiriira dhul la qaban karin Marka laga reebo Fasaxa Dhismaha. 

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ku celiyay in dhulalka iyo guryaha danta guud ee horey loo hakiyay ay weli sidoodii ugu jirayaan hakad, isagoo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in aan kharash la iska gelin dhul dan guud ah, cidii ku dhiiratana ay iyadi qaadi doonto mas’uuliyadda.

Madaale ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee guryaha ku leh caasimadda Muqdisho in ay iska hubiyaan cidda ay ka kireynayaan guryahood, islamarkaana ay mariyaan nidaamka hubinta, si aysan ugu soo dhuuman kooxaha argagaixisada, ciddii aan marin nidaamkaas oo lagu qabto guryahooda shaqsiyaad argagixiso ama lagu fuliyo falal liddi ku ah amniga ay qaadan doonaan masuuliyadda, dowladdana ay tallaabo ka qaadi doonto mulkiileyaasha guryahaas.

Dhanka kale, guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa boggaadiyey howlgalladii ugu danbeeyay oo ay laamaha ammaanka ka fuliyeen caasimada Muqdisho, taas oo lagu soo qab-qabtay kooxo dhagar-qabeyaal ah iyo hubkooda, laguna fashiliyey dhagartii ay u maleegayeen dadka ku nool Gobolka Banaadir. 

Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay bulshada caasimadda in ay sii xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha ammaanka, si wadajir looga hortago dhagaraha cadowga ee lagu baneysanayo nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleMadaxweyne SACIID DENI oo maxkamad lala tiigsanayo
Next articleCiidanka dowlada Oo Dhowr magaalo Ka Qabsaday Alshabaab Meyadadna Soo Bandhigay(Sawiro)