Home Wararka Maanta Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay waqtiga la qaban doono doorashada Golaha Deegaanka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay waqtiga la qaban doono doorashada Golaha Deegaanka iyo Duqa Muqdisho

0

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shaaciyay in si rasmi ah loo soo gabagabeeyay diiwaan galinta doorashada qof iyo codka ah ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cabdikariin Axmed ayaa xusay in la diiwaan galiyay ku dhawaad hal milyan oo ah shacabka ku nool magaalada Muqdisho, kuwaasi oo xaq u yeelan doona iney codeeyaan.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay gudoomiyaha guddiga doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka in shacabka reer Muqdisho ay dhawaan soo dooran doonaan golaha deegaanka iyo Duqa magaalada Muqdisho.

“30-ka bisha October 2025, shacabka Muqdisho waxay u dareeri doonaan doorashada Golaha Deegaanka iyo Duqa Magaalada Muqdisho, waxaan aad ugu faraxsanahay in tiro ku dhow hal milyan oo qof ay noo diiwaan-gashan yihiin, kuwaas oo liiskooda aan shaaci doono 27-ka bishaan” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in magaalooyinka Laascaanood ilaa Xudur ay ka socoto diiwaan galinta doorashada qof iyo codka ah, islamarkaana dhawaana la filayo in la soo gaba gabeeyo.

Ugu dambeyntii dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ku dadaaleysa in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, waxaana arintaasi si weyn uga soo horjeeda mucaaradka dowladda iyo madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo u arka inaan xiligaan dalka ka qabsoomi karin doorasho qof iyo cod ah.

Ad