Yuusuf Maxamed Kheyre (Guurow) oo katirsan xubnaha guddiga doorashada heer federal u qaabilsan Koonfur Galbeed ayaa kasoo horjeestay go’aan guddiga doorashada kasoo baxay oo lagu laalay natiijada doorashada labo kursi oo lagu doortay magaalada Baydhabo.
Mr Guurow ayaa sheegay inuusan waxba kala soconin go’aanka gudiga doorashada ay gaareen, isagoo sheegay in aanay jirin wax muran ah oo ka taagnaa labada kursi ee lagu doortay magaalada Baydhabo.
Wuxuu ku tilmaamay go’aanka arrin lagu fududaaday oo meel ku dhac ah guddiga, wuxuuna sheegay in ay go’aankaas qaateen xubno kamid ah guddiga.
Wuxuu sheegay labada kursi ee la doortay in ay go’aan ka gaareen qabiilada iska leh kuraastaas islamarkaasna wuxuu sheegay in aysan jirin cid kale wax ka bedeli karta natiijadii hore.
Hadalka kasoo yeeray Mr. Guurow wuxuu muujinayaa in guddiga doorashada heer federal iyo guddiga doorashada Koonfur galbeed uu ka dhex taagan yahay khilaaf xooggan oo saamayn ku yeelan kara habsi socodka doorashada.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay
Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka