Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Guddiga Batroolka Soomaaliya oo Gaaray Gaalkacyo kadib Baaristii Shidaalka ee Hobyo

Guddiga Batroolka Soomaaliya oo Gaaray Gaalkacyo kadib Baaristii Shidaalka ee Hobyo

0

Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, mudane Cabdulqaadir Maxamuud Aadan, ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo si ay u fuliyaan olole wacyigelin ah oo ku saabsan sahminta, soo saarista shidaalka iyo saameynta ay ku yeelan karto deegaanka.

Wafdiga waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Maamulka Degmada Gaalkacyo, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Safarkaan shaqo ee wafdiga waxay qeyb ka tahay barnaamijka wacyigelinta bulshada ee Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, kaas oo xooga saaraya in bulshada lala wadaago xog ku saabsan sahminta shidaalka ee 3D, faa’iidooyinka dhaqaale ee laga filan karo, iyo muhiimadda ilaalinta deegaanka.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo 15 Maalin u Qabtay ciidamada Lageeyey Raaskanbooni
Next articleXasan Shiikh iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Gaaraya Magaalada Aruusha