Home Wararka Maanta Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka Mareykanka oo sheegay in hub uu Berbera...

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka Mareykanka oo sheegay in hub uu Berbera uga soo dago kooxda RSF

0

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka Mareykanka, Jim Risch, ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan warbixinno sheegaya in gudaha Itoobiya laga furay xarun tababar oo lala xidhiidhinayo Imaaraadka Carabta (UAE), taas oo lagu tababarayo maleeshiyada RSF ee ka dagaallanta Suudaan.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa X, ayuu Jim Risch ku sheegay in ay jiraan warbixinno tilmaamaya in sahay iyo hub kooxda RSF loo marayo dekeda Berbera ee Somaliland, arrintaas oo uu ku tilmaamay tallaabooyin sii hurin kara xaaladda amniga iyo xasilloonida gobolka.

“Waxaan ka walaacsanahay warbixinnada ku saabsan xarun tababar oo lala xidhiidhinayo Imaaraadka Carabta (UAE) oo gudaha Itoobiya looga furay maleeshiyada xasuuqa geysanaysa ee RSF, iyadoo ay suuragal tahay in waddooyinka sahayda ay sii maraan Somaliland,” ayuu yidhi Jim Risch.

Wuxuu intaa ku daray in tallaabooyinkan ay yihiin kuwo xaaladda sii murjinaya, isla markaana ay noqon karaan sabab kale oo dheeri ah oo Mareykanku ugu aqoonsan karo RSF urur argagixiso shisheeye, taas oo keeni doonta cawaaqib siyaasadeed iyo mid ciqaabeed.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan eedeymaha caalamiga ah ee loo jeedinayo RSF, kuwaas oo la xidhiidhinayo xadgudubyo culus oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo falal xasuuq ah oo ka dhacay Suudaan, gaar ahaan gobolka Darfur.

Illaa iyo hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay Somaliland, Itoobiya, ama Imaaraadka Carabta oo si toos ah uga jawaabaya eedeymahan uu jeediyay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka Mareykanka.

Imaaraadka Carabta ayaa horey loogu eedeeyay inuu hub iyo saanad ciidan u gudbiyay maleeshiyada RSF, isaga oo adeegsanaya dekedda Boosaaso ee Puntland. Eedeymahan ayaa horey u soo baxay xilli ay beesha caalamku si dhow ula socotay doorka quwadaha dibadda ee ku lugta leh colaadda Suudaan, inkastoo Imaaraadka Carabta uu marar kala duwan beeniyay eedeymahaas.

Ad