Home Wararka Maanta Guddiga Abaaraha Qaran iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo Maanta ka shiraya Abaaraha...

Guddiga Abaaraha Qaran iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo Maanta ka shiraya Abaaraha Dalka ka jira

0

Guddiga Gurmada Abaaraha ee uu shalay magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muqdisho ka bilaabaya maanta kulamo ay la yeelanayaan hay’adaha samafalka iyo beesha caalamka.

Guddiga oo ka kooban Wasiiro katirsan Xukuumadda Federaalka ayaa u raadinaya gargaar bani’aadanimo kumanaan qoys oo ku nool qaar ka mid ah gobolada dalka oo ay saameysay abaaraha.

Dhawaan ayaa warbixin ay si wadajir ah u soo saareen dowlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay waxaa ay ka digtey malaayiin ruux inay halis ugu jiraan abaaraha ku dhuftay qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS ayaa sheegtay in 57 Degmo ay saameysay Abaarta, waxa ay dalbatay in la badbaadiyo 2.3 Milyan oo ruux oo halis nololeed wajahaya sida hadalka ay u dhigtay Wasaaradda.

Gobolada ugu daran ee abaaraha laga soo sheegayo ayaa waxaa kamid ah gobolka Gedo iyo Jubbada Hoose,waxaana dhintey xoolo faro badan oo ay noloshoodu ku tiirsanaayeen qoysas faro badan.

Ad
Previous articleDeg Deg Agaasimihii Radio Muqdisho C/casiis Afrika oo Geeriyooday.
Next articleMusharaxiinta Xildhibaanada Galmudug Lagu dooranayo oo Maanta Bilaabay isdiiwaan galinta (Sawiro)