La taliyaha amniga qaranka Raysal Wasaaraha Itoobiya Ridwaan Xuseen ayaa sheegay in Somaliland saami laga siinayo shirkadda Ethiopia-Telecom ama Ethiopian Airlines.
Arrinkan ayaa qayb ka ah heshiiskii ay labada dhinac ku kala saxiixdeen magaalada Addis ababa ee Xarunta waddanka Itoobiya.
Sida uu sheegay la taliyaha amniga Qaranka ee Raisal Wasaaraha dalka Itoobiya Amb. Ridwaan Xuseen, Itoobiya iyo Somaliland ayaa bil gudaheed ku dhaqan gelin doona heshiiskii ay shalay wada galeen kaasoo dalka Itoobiya u ogolaanayey inay wax ku yeelato xeebaha Badda cas.
La taliye Ridwaan oo goordhaweyd saxaafadda kula hadlay magaalada Addis Ababa, ayaa sheegay in Itoobiya Somaliland ka taageeri doonto dhinaca ganacsiga iyo kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
Waxay waxa loo yaqaanno heshiis is af-garad ah (MoU) la saxiixatay Jamhuuriyadda iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland si ay u isticmaasho mid ka mid ah dekadaheeda.
Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hore adeegsiga badda ugu sheegay inay arrin muhiim ah u tahay dalkiisa.
Raysal wasaaraha, oo heshiiska is af-garad caasimadda Itoobiya kula saxiixday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa bartiisa X kusoo qoray in “dhammaan waxa la dhihi karo ay uun tahay mahadsanid Allah”.
Mar uu ka hadlayay halka heshiiska lagu kala saxiixday, ayuu Madaxweyne Muuse sheegay in heshiiskan ay ku jirto qeyb qeexeysa in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsan doonto dal madax bannaan mustaqbalka.
Dowlada Somalia oo heshiiskan u aragta xad qudub qaawan oo lagu sameeyey madax banaanideeda dhuleed ayaa u yeeratay safiirkii ka fadhiyey Itoobiya