Home Wararka Somaliya Galmudug Goormee Ayaa Shidaalka Laga Soo Saari Doonaa Xeebaha Magaalada Hobyo?

Goormee Ayaa Shidaalka Laga Soo Saari Doonaa Xeebaha Magaalada Hobyo?

0

Markabka Oruc Reis ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa ugu dambeyn ku xirtay dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, isaga oo ay galbinayaan maraakiib dagaal.

Munaasabad weyn ayaa ka dhacday dekedda Muqdisho taa soo lagusoo dhaweynayay markabka, waxana ka qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madax ka socota dalka Turkiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Turkiga, Dr. Alparslan Bayraktar.

Markabka Oruc Reis ayaa bilaabaya howlaha shidaal sahminta ah uu u yimid Soomaaliya.

Markabkaan lagu magacaabo Oruc Reis, ayaa dhismihiisa daaha laga furay sanadkii 2017, waxaa lagu naqshadeeyay oo lagu dhisay dalka Turkiga, ujeedka loo sameeyay ayaana ahaa sahminta juquraafiga badaha iyo naqshada oo loo yaqaan ‘oceanographic’ kaas oo muhiim u ah dadaallada sahminta badda ee Türkiye.

Oruç Reis ayuu dhererkiisu yahay 87-mitir oo dherer ah una dhiganta 285-fiit , halka ballaciisu yahay 23-mitir oo u dhiganta 75-fiit, waxa uuna kor u dhisanyahay 34-mitir oo u dhiganta 111-fiit.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Qarax ka Dhacay Muqdisho
Next articleIiraan oo Ka Hadashay Weerarkii Shalay uga yimid Israail