Home Wararka Maanta Golaha Wasiiradda Somaliya oo Maanta Mahad Maxamed Salaad u magacaabay Agaasimaha Hay’adda...

Golaha Wasiiradda Somaliya oo Maanta Mahad Maxamed Salaad u magacaabay Agaasimaha Hay’adda NISA

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta isugu yimid shir deg deg ahaa ayaa ansixiyey soo jeedin ka timid Wasaaradda Amniga Gudaha oo la xariirtay inuu noqdo Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad.

Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA ayaa xilkaan kala wareegi doona Agaasimahii hore ee hay’addaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo todobaadyadii dambe ku sugnaa furimaha hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

“Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, iyo Agaasimaha Hey’adda NISA” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shirka Golaha Wasiiradda.

Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe mudadii uu xilka hayey shaqadii uu u qabtay Qaranka.

Ugu dambeyntii Mahad Maxamed Salaad ayaa markii labaad qabanaya xilkaan, wuxuuna horay xilkan u soo qabtay sanadkii 2022-kii, waxaana magacaabistiisa ay kusoo aadeysa xili todobaadyadii lasoo dhaafay si weyn loo hadal haayay in xilkaan dib loogu magacaabayo Mahad Maxamed Salaad.

Ad
Previous articleCiidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo howlgal qorsheysnaa ka fuliyay Galgaduud
Next articleshuruudo adag oo Lagu xiray ka qeyb galka gogosha uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya