Home Wararka Maanta Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Markale War Xasaasi ah kasoo Saaray Xadgudubkii Itoobiya

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Markale War Xasaasi ah kasoo Saaray Xadgudubkii Itoobiya

0

Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulankooda todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza, ayada oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Shirka ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo xadgudubkii dowladda Itoobiya ee is afgarad ku sheeggii ay kowdii bishan Somaliland kula galeen magaalada caasimada ee Addis Ababa.
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale oo shirka kadib la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin guud ka bixiyay shirka golaha wasiirada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in si gaar ah looga hadlay heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya.

“Waxaa si gaar ah oo uu goluhu uga hadlay xadgudubka dowladda Itoobiya ee is-afgarad ku sheegii bishaan kowdeedii la sheegay inuu dhex-maray dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland ee gobollada waqooyi ee JFS” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.

Farxan Jimcaale ayaa xusay in golaha wasiiradu ay boggaadiyeen sida ay shacabka Soomaaliyeed ay ku diideen heshiiskaas, ugana falceliyeen xadgudubka Itoobiya.

“Goluhu wuxuu boggaaadiyay sida geesinimada leh ee shacabka Soomaaliyeed ay uga dhiidhiyeen dal iyo dibad-ba oo ay uga soo horjeesteen damaca gurracan ee dowladda Itoobiya, isla markaana ay ku muujiyeen shucuurtooda waddaninimo” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in goluhu soo dhaweeyay go’aannada iyo mowqifka cad ee ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay heshiiska badda ee Addis Ababa.

Wuxuu sidoo kale golaha soo dhoweeyay go’aamada iyo mowqifyada adag ee ay dowladaha caalamka iyo ururada caalamiga ah ay ka istaageen gar-darrada qaawan ee Itoobiya ay kusoo qaaday madax bannaanida iyo gobanimada dhuleed ee Soomaaliya” ayuu yiri.

Dhinaca kale golaha wasiirada ayaa maanta kulankooda ku meel-mariyay dhowr heshiis oo kala ah heshiiska ku biirista aagga dhaqaalaha bariga Afrika, heshiiska is-afgaradka difaaca ciidamada Cirka ee Soomaaliya iyo Uganda iyo heshiiska QM la dagaallanka dambiyad abaabulan ee isaga gudbo Qaramada.

Waxaa sidoo kale golaha wasiiradu ay ansixiyeen hindise sharciyeedyada maareynta musiibooyinka iyo waxyaabaha qarxa, hindise sharciyeedka macaamilka danabeysan, xeer nidaamiyaha sharciga socdaalka & sharciga hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWaa kuma Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland ee Taariikhda cusub dhigay?
Next articleDowlada Soomaaliya oo dalbatay in xarunta ururka Midowga Afrika laga raro Itoobiya Xili ay ku Xadgudubtay Bada Soomaaliya