Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo uu shir guddoomiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre.
Kulankan oo ahaa midka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada ayaa waxaa lagu magacaabay Hanti-dhowra cusub, kaas oo ay ansixiyeen xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya.
Hany-dhowraha cusub ayaa waxaa loo magacaabay Abuukaate Axmed Ciise Guutaale, kaas oo ay soo jeedisay in xilkan loo magacaabo Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.
Guutaale ayaa ah nin aqoonyahan ah, sidoo kale ka soo shaqeeyay warbaahino kala duwan, isaga oo sidoo kale ahaa agaasimaha Idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho.
Ninkan ayaa bedalaya Maxamed Cali Afgooye oo horay xilkan usoo hayey, kaas oo ay magacowday xukuumaddii hore ee ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.
Golaha ayaa sidoo kale ka dooday shuruuc la horkeenay oo dalka ahmiyad weyn u leh, wuxuuna goluhu si wadajir ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedyada kala ah.
Ra’iisul Wasaare Xamza oo kulanka hadlay ayaa tilmaamay shuruucda uu goluhu meelmariyey ay dhammaantood yihiin kuwa leh mudnaan gaar ah oo hagaya dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, gaar ahaan deyn cafinta.
Hindise Sharciyeedyadan ayaa loo gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka, si ay uga gutaan waajibkooda dastuuriga ah.
Ugu dambeyn wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siiyey amniga guud ee dalka iyo howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyada oo Goluhu bogaadiyey dadaallada socda ee dalka lagu xoreynayo laguna xasillinayo.