Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Golaha Wasiirada oo Maantay Ansixiyay Arimo Xasaasi

Golaha Wasiirada oo Maantay Ansixiyay Arimo Xasaasi

0

Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoominayey ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta looga hadlay arrimo dhowr ah.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira, amniga, qorshaha isbeddelka qaranka iyo heerka ay mareyso canshuurta iibka oo tan iyo muddaddii la bilaabay sameeyey sare-ukac ballaaran.

Golaha ayaa warbixin la xiriirta ciidanka qaranka ee la geeyey deegaanka Raaskamboni ee maamulka Jubbaland waxa uu ka dhageystay wasaaradda amniga gudaha.

Wasaaradda ayaa tilmaamtay in ujeedka ciidanka loo geeyey uu yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen amniga deegaannadii ay ka baxeen ciidanka ATMIS, si ay u xaqiijiyaan amniga goobahaas.

Sidoo kale, wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, ayaa golaha warbixin ka siisay halka uu marayo qorshaha isbeddelka qaranka (NTP) 2025-2029.

Qorshahan oo diyaarintiisu ay socotay muddo sanad ku dhow, haddana maraya heer gabo-gebo ah, ayaa dhaqan-geli doona sanadka 2025, wuxuuna beddeli doona qorshaha horumarinta Qaranka (NDP-9).

Shirkan ayaa imanaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay ciidamo kusii daabuleyso deegaanka Raaskambooni, islamarkaana laga cabsi qabo in xiisadda kala dhaxeysa maamulka Jubbaland ee uu hoggaaminayo Axmed Madoobe ay isku rogto gacan ka hadal toos ah.

Ad
Previous articleHowlgal Culus oo laga Sameeyey Magaalada Muqdisho
Next articleDowladda Federaalka Soomaaliya oo ugu dambeyn dhaqan-gelisay go’aankii cuslaa ee ay ka qaadatay Itoobiya