Home Wararka Maanta Golaha Wasiirada oo Isugu Yimid Kulan aan Caadi ahayn Ansixiyayna….

Golaha Wasiirada oo Isugu Yimid Kulan aan Caadi ahayn Ansixiyayna….

0

 Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Shirkaan ayaa caawa cod loogu qaaday ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2025, taas oo dhan $1,342,476,311, waxaana lagu ansixiyey cod aqlabiyad leh.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo golaha horkeentay Miisaaniyadda, ayaa soo bandhigtay kororka jira iyo ilaha kala duwan ee dakhliyadu ka soo xaroonayaan.

Kordhinta dakhliga gudaha ee dowladda waxay saldhig u tahay qorshaha lagu xoojinayo amniga, adeegyada bulshada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale, kulanka Golaha Wasiirrada, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Amniga Gudaha.

Ad
Previous articleRaysulwasaare Xamse oo Qodobo Xasaasi ah Kasoo Saaray Shirka Golaha Wadatashi Qaran
Next articleHorjoogayaal Sar sare oo Ka Tirsanaa Alshabaab oo Danab Khaarijisay