Home Wararka Maanta Golaha Aqalka Sare oo Maantay Dooetay 8 Guddi ansixiyayna

Golaha Aqalka Sare oo Maantay Dooetay 8 Guddi ansixiyayna

0

Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii 8-aad ee Kalfadhiga Koowaad, iyaga oo uu maanta ajandaha kulanka uu ahaa ansixinta Guddoonka Guddiyada Aqalka Sare.

Ugu horreyn kulanka ayaa waxaa daahfuray Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, isaga oo ka warbixiyay shaqooyinka hor yaala Guddiyada maanta la’ansixiyay, kuwaas oo gaaraya illaa sideed guddi.

Guddiyada maanta la ansixiyay ayaa kala ah:

Senator Cabdiweli Maxamed Ibraahin Xaabsade ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Sanatarrada.Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta waxaa loo doortay Senator Naciima Xasan Xaaji.

  • Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada waxaa loo doortay Senator Deeqo Xasan Xuseen.
  • Guddiga Difaaca iyo Amniga waxaa loo doortay Senator Aadan Cabdinasir Maxamed
  • Guddiga Arrimaha Dibadda, Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxaa loo doortay Senator Maryan Farah Kahiye.
  • Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka waxaa loo doortay Senator Dr Cusmaan Dufle.
  • Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka, waxaa loo doortay Senator Saynab Ismaciil Maxamed.
  • Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska waxaa loo doortay Senator Cabdi Dhuxuloow Dhagdheer

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo khudbad kooban ka jeediyay golaha ayaa sheegay in Guddi walba loo diyaariyay xafiiskii uu ku shaqeen lahaa iyo xoghayihii la shaqeen lahaa, isaga oo intaas ku sii daray in Guddi walba uu heesto todobo cesho uu ku soo diyaarinayo qorshaha barnaamijka shaqo.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDEG DEG: Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo looga yeeray Xafiiska Xeer ilaalinta si su’aalo loo waydiiyo
Next articleCiidanka la magac baxay “Guutada Soomaalida” ee Ukraine oo dagaal hor leh billaabay.