Home Wararka Maanta Golaha Amniga Qaranka oo Soo Saaray Awaamir Cusub oo ku Saabsan Xakamaynta...

Golaha Amniga Qaranka oo Soo Saaray Awaamir Cusub oo ku Saabsan Xakamaynta Hubka

0

Golaha Amniga Qaranka oo Soo Saaray Awaamir Cusub oo ku Saabsan Xakamaynta Hubka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo Golaha Amniga Qaranka yeeshay 18-ka Luulyo 2024. Kulankan ayaa looga hadlay hub sharci darro ah oo laga soo geliyay Galmudug.

Go’aannada laga soo saaray kulanka waxaa ka mid ah:
– Adkeynta kormeerka hubka iyo rasaasta.
– Mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga hubka.
– Soo gudbinta warbixin faahfaahsan oo ku saabsan hubka sharci darrada ah.
– In si degdeg ah maxkamad loo soo taago dadka ku lugta leh hawshan sharci darrada ah.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimada hirgelinta shuruucda xakameynta hubka iyo rasaasta. Kulanka waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Maxamed Jukaato oo Dil Toogashaa ah lagu Xukumay
Next articleQoor Qoor oo Markay Xaaladu ku Xumaatay Taageeray Dowlada Xasan shiikh