Home Wararka Maanta Golaha Ammaanka QM oo isbeddel lama filaan ah ku sameeyey xayiraadii hubka...

Golaha Ammaanka QM oo isbeddel lama filaan ah ku sameeyey xayiraadii hubka ee Somalia

0

Golaha Ammaanka QM ayaa isbeddel weyn ku sameeyey cunaqabataynat hubka ee saaran Soomaaliya, xilli dowladda federaalka ay isku dayeyso inay dalka ka xoreyso Al-Shabaab oo hub badan ay u baahan tahay.

Golaha ayaa isku raacay qaraarka 2662 (2022), oo hal sano oo dheeraad ah ku kordhiyey cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu ku daray qodob ogolaanaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay hub hesho.

Qaraarka, oo muddadiisu tahay illaa 15-ka November 2023, ayaa waxaa “Haa” ugu codeeyey 11 ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka, mana jirin dal diiday. Waxaana ka maqnaa afar dal oo kala China, Gabon, Ghana iyo Ruushka.

“Qaraarka wuxuu go’aamiyey in dhammaan dalalka ay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ka hortagga dhammaan hubka iyo agabka milateri ee la geeyo Soomaaliya, marka laga reebo hubka ay ka faa’iideysanayaan hay’adaha amniga iyo booliiska Soomaaliya ee heer qaran iyo heer gobol, kuwaas oo qaraarka aanu saameyneyn,” ayaa lagu yiri qoraalka qaraarka.

Qaraarka ayaa sidoo kale lagu xusay in cunaqabataynta hubka aysan khuseyn keenista hubka iyo agabka ciidan, ama bixinta talo farsamo, dhaqaale, kaalmo kale, iyo tababarada militari ee loogu talogalay horumarinta hay’adaha amniga iyo booliska Soomaaliya, si loo sugo amniga dadka iyo dalka.

Cunaqabatanta ayaan sidoo kale saameyneyn QM, ATMIS iyo hay’adaha kale ee caalamiga ee ka howlgala Soomaaliya.

Waxaanu sidoo kale qaraarka saameyneyn ururada iyo dalalka tababarka ciidanka siiya Soomaaliya, oo ay ku jiraan Midowga Yurub, Turkey, UK, Mareykanka iyo dal ama urur kasta oo heshiis is-fahan oo militari uu kala dhaxeeyo dowladda federaalka.

Dowladda federaalka ayaa bilihii tegay wadday dadaal xooggan oo ay ku raadineyso in xayiraadda hubka looga qaado Soomaaliya, si ay u hesho hubka loo baahan yahay si dalka looga xoreeyo kooxda Al-Shabaab.

Inkasta oo aan xayiraadda la qaadin, haddana qaabka loo dhigay iyo ogolaanshaha la siiyey dowladda federaalka iyo dalalka iyo ururada taageera ayaa ah guul weyn.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleCanada oo boqolaal Soomaali ah u masaafurineysa sabab yaab leh
Next articleSweden oo u hogaansantay dalabkii cuslaa ee uga yimaada Dowlada Turkey