Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiytay cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saaran, xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay dadaal badan ugu jirto sidii loo qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka.
“Xaaladda Soomaaliay weli waa mid khatar ku ah amniga caalamka,” ayaa lagu yiri go’aankan, oo loo cuskaday kordhinta cuna-qabateynta hubka, iyaga oo sheegay in xaaladda Soomaaliya ay weli mid khatar ah.
Sidoo kale waxa uu Golaha Ammaanka cusbooneysiiyay shaqada guddiga khubarada ee la-socodka cuna-qabataynta Soomaaliya illaa 31-ka December 2023.
Go’aankan ayaa imanaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay dadaal badan ugu jirto sidii looga qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka ee sanadaha badan saaran, islamarkaana Golaha Ammaanka ka codsatay in laga qaado cuna-qabataynta hubka.
Soomaaliya ayaa Golaha Ammaanka la wadaagtay muhiimada qaadista cuna-qabateynta, gaar ahaan sida ay xilligaan ugu baahan tahay inay hesho hub ay kula dagaalanto kooxda Al-Shabaab.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa guulo wax ku ool ah ka gaartay bartilmaameedyo ku xusnaa halbeegyada qaadista cuna-qabataynta hubka, iyada oo la dhisay guddi sare oo ka shaqeeya dhammeystirka sharuudaha ku xiran geeddi socodka qaadista cuna-qabataynta hubka.