Home Wararka Somaliya Golaha Amaanka QM oo shir Deg Deg ah ka yeelanaya xaalada Somaliya

Golaha Amaanka QM oo shir Deg Deg ah ka yeelanaya xaalada Somaliya

0

Golaha Amaanka ee qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in maanta oo jimco ah kulan ay yeelanayaan ugaga hadlaan arrimihii ugu dambeeyay ee siyaasada dalka Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah xoghayah guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan soomaaliya James Swan ayaa lagu wadaa in warbixinadii ugu dambeeyay ee dadaalada qaramada Midoobay u gudbiyo shirka.

Golaha ammaanka ayaa xoogga saaraya sidii loo qaban lahaa Doorashooyinka Soomaaliya muddo gaaban si xasiloon oo ay wada-ogol yihiin Madaxda Federaalka & Dowlad Goboleedyada oo gacmahooda ku saxiixay 17-ka September 2020.

Fadhiga Golaha ammaanka oo ku qabsoomaya Muuqaalka Fogaan-aragga waxaa dhankooda la dhageysnayaa danjirayaasha wakiilka ka ah 5-ta dal ee joogtada ah iyo 10-kale ee ku yimaada Doorashooyinka si xog-uruurintooda gaba-gabada kulanka loogu soo daro Warsaxaafadeedka ku xusan natiijada kulankaas.

Golaha ammaanka ayaa sidaan oo kale fadhi gaar ah ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya 22-kii bishi hore, waxaana golaha uu ku baaqay in la qabto doorashooyinka lagu heshiiyay oo muhiim u ah howlaha geedi-socodka Soomaaliya, maadaama afartii sanno mar la qabto doorasho.

Ad
Previous articleDr caan ah oo Muqdisho ku geeriyooday
Next articleDiyaarad siday Meydka Madxweyne Cali Mahdi oo Muqdisho ka soo Degtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here