Home Wararka Maanta Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo Muddo 3 bil ah ku Kordhisay...

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo Muddo 3 bil ah ku Kordhisay Joogitaanka AMISOM

0

Golaha Ammaanka ee Qarmada Midoobay ayaa muddo saddex bilood ah ku kordhiyay howlgalka midowga, taas oo ah wakhti siineysa wadahadalka dib u habeynta howlgalkaas.

“Iyada oo xaaladda Soomaaliya ay weli tahay mid khatar ku ah nabadda iyo ammaanka caalamka, wuxuu Goluhu go’aansaday inuu oggolaado in dawladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika inay sii wadaan hawlgalinta Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ilaa 31-ka Maarso 2022” ayaa lagu yiri Bayaan uu soo saaray Golaha Ammaanku kadib shirkii Talaada maanta.

Bayaankan ayaa sii raaciyay “Wuxuu Goluhu oggolaaday in AMISOM ay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay si buuxda ugu hoggaansamaan waajibaadka dowladaha ka qeyb galaya ee waafaqsan shuruucda caalamiga ah oo ay ku jiraan sharciyada bini’aadantinimada iyo xuquuqda aadanaha, iyo iyadoo si buuxda loo ixtiraamayo qarannimada iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, si ay u gudato waajibaadkeeda, sida ku cad faqradaha 12 iyo 13 ee qaraarkii2568 (2021)”

 

Dhawaan dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa si weyn iskugu khilaafay qaabka uu yeelan doono hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM wixii ka dambeeya sannadkan, waxaana Midowga Afrika uu dhowaan ansixiyey qorshe hawlgalka ka dhigaya mid ay wadajir u maamulaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, kaas oo dowladda Somalia ku gacan-seyrtay.

Soomaaliya ayaa dhinaceeda wadda hirgelinta qorshe ay ugu magac dartay STP oo ah Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso amnigeeda, waxaana dhawaan la hirgaliyay guddi ka kooban dowladda Federalka iyo maamul gobolyeeyada, kaas oo qiimeyn ku sameynaya qorshahan.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleLaba Bam-gacmeed oo Caawa Lagu Weeraray Gudoomiyaha Dayniile
Next articleCiidamada Amniga Galmudug oo Habeenkii 2aad Gacanta ku Soo dhigay Maandooriyaha (Sawiro)