Home Wararka Maanta Gobolka Shabellaha Hoose oo Lagu Dilay Horjooge ka tirsan Shabaab

Gobolka Shabellaha Hoose oo Lagu Dilay Horjooge ka tirsan Shabaab

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee kumaandoska Danab ayaa howlgal qorsheysnaa ku dilay mid ka mid ah horjoogeyaasha kooxda Al-shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Kumaandooska Danab ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyay deegaanka Toratorow ku dilay amiirkii kooxda u qaabilsana dhanka Zakakawaatka, kaasoo lagu magacaabi jiray Cabdulaahi Maxamed oo kooxda looga dhex yaqiinay Carab.

Warsaxafadeed kaso baxay Taliska ciidanka Kumaandooska Danab ayaa lagu sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid guuleystay oo u dhacay sidii ay u qorsheeyeen ciidanka Kumaandooska Danab.

“Inta howlgalkan uu socdey ciidanka kummandoska danab gaar ahaan specialka danab waxay burburiyeen moota uu watey, waxay kaloo gacanta ku soo dhigeen ciidanka lacag fara badan iyo boonooyinkii uu ku baadi jirey shacabka deegaanka Toratorow”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka kasoo baxay Taliska ciidanka Danab.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo deegaanada dhaca gobolka Shabeellaha Hoose mudooyinkii dambe ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan ay kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada gobolkaas.

Ad
Previous articleDowlada Mareykanka oo Lacag Dhan 5$ Milyan Duldhigtay Madaxa Abdikadir Mohamed oo ka Danbeeyay Weerarka Kampala
Next articleDowlada Kenya oo Somaliya ka reebtay Dalaka Fiiso La’anta ku tagaya Dalkaasi