Home Wararka Caalamka Germalka Hooyo Dishay Shan kamid ah Caruurteeda oo Xabsi Daa’in lagu Xukumay

Germalka Hooyo Dishay Shan kamid ah Caruurteeda oo Xabsi Daa’in lagu Xukumay

0

Maxkamad ku taal galbeedka Jarmalka ayaa khamiistii xukun xabsi daa’in ah ku xukuntay haweeney 28 jir ah oo dishay shan ka mid ah lix caruur ah oo ay dhashay .

Garsooraha ayaa dilka ku tilmaamay “musiibo.” Maxkamaddu waxay heshay dambi gaar ah oo halis ah, taasoo la micno ah in haweeneydu aysan awoodi doonin inay dalbato sii-daynteeda ka dib 15 sano oo xabsi ah.

Haweeneyda ayaa lagu eedeeyay in ay carruurta ku suuxisay gurigeeda ka dibna ay neefta ku qabatay xilli ay ku jirtay musqusha bishii September ee sanadkii hore. Da’da carruurta ayaa u dhexeysay 18 bilood ilaa 8 sano jir.

Cunugeeda curad oo markaas 11 jir ahaa ayaa ka badbaaday maadaama uusan guriga joogin intii uu dilka dhacayay. Qoysku waxay ku noolaayeen magaalada Solingen.

Haweeneyda ayaa ka aamustay eedeymaha loo soo jeediyay intii ay socotay dacwada. Waxay isku dayday inay is disho iyadoo ku hor booday tareen ka dib  markii dembigu uu dhacay.

Waxaa la rumeysan yahay in ay dishay carruurta ka dib markii ay aragtay sawirka ninkeeda oo ay weheliyaan lammaane cusub. Waxaa la sheegay in ay fariin qoraal ah ugu sheegtay maalintii dambiga uu dhacay in uusan dib u arki doonin caruurtiisa.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleSweden oo Baasaboorka kala wareegtay Nin Soomaali ah oo lunsaday malaayiin dollar
Next articleXiisad ka taagneyd Koonfurta Gobolka Mudug oo laga gaaray Heshiis Hordhac ah