Home Wararka Maanta Garoonka Diyaaradaha Gurceel oo Muddo 20 Maalin ah Xiran

Garoonka Diyaaradaha Gurceel oo Muddo 20 Maalin ah Xiran

0

 

Garoonka diyaaradaha degmadda Guriceel oo ahaa kan ugu mashquulka badan guud ahaan magaalooyinka Galmudug ayaa xirran muddo 20 Maalmood ah.

Garoonka oo maalin walba ay ka dagi jireen diyaaraddo Rakaab sida iyo kuwa qaadka keena ayaa howlihiisa duulimaad waxaa hakiyay Dowlad Goboleedka Galmudug kadib markii ay Ahlusunna la wareegtay degmadda Guriceel.

Garoonkan oo ahaa mid dhaqaalo badan kasoo gali jiray Galmudug ayaa diyaaradaha ka dagi jirray waxaa loo weeciyay oo ay hadda isticmalaan Garoonka Ugaas Nuur ee Caasimadda Galmudug Dhusomarreeb.

Inkasta oo maamulka Galmudug wali ka helayo Canshuurtii uu ka qaadi jirray Diyaaradahan madaama loo wareejiyay Garoonka kale lkn waxaa dhibaato weyn ku qaba dadka Shacabka ah oo safar dheer u galla in ay adaan Dhusomarreeb waxaana ku baxa dhaqaalo ka badan kii uga bixi jiray marka ay ka duulayaan Garoonka degmadda Guriceel.

Galmudug ayaa si dadban uga ilaalisay in Ahlusunna ay Maamusho oo gacantooda ku dhaco dhaqaalaha ka imaanayay Garoonka degmadda Guriceel, waana sababta ugu weyn ee loo wareejiyay duulimaayadda aada Guriceel sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil sare oo ka tirsan Galmudug.

Shacabka degmadda Guriceel ayaa iminka wajahaya xaalad adag oo nolosha kadib markii ay isaga barakaceen Guryahooda cabsi ay ka qabaan in Magaaladda ku dagaalamaan dowlad Goboleedka Galmudug iyo Ahlusunna, waxay taasi ka dhigtay Magaaladda mid go’doonsan oo aysan ka jiran wax dhaq dhaqaaq ah sida Ganacsiga, Waxbarshadda iyo duulimaadka

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleGalmudug oo Odayaal ku xirtay Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb
Next articleShir Deg Deg ah oo Madaxtooyada uga socda Farmaajo Wasiirka Amniga iyo Taliye Bashiir Goobe