Home Wararka Caalamka Gantaalo lagu Weeraray Saldhiga Maraykanka ee Ciraaq iyo Qasaaro ka Ka dhashay(Sawiro)

Gantaalo lagu Weeraray Saldhiga Maraykanka ee Ciraaq iyo Qasaaro ka Ka dhashay(Sawiro)

0

Ugu yaraan saddex gantaal ayaa ku dhacay garoonka caalamiga ah ee Baqdaad iyo meel u dhow saldhigga ciidamada cirka ee Maraykanka.

Mid ka mid ah gantaalada ayaa waxyeello u geystay mid ka mid ah dayuuradaha rayidka ah, sida ay sheegeen booliiska Ciraaq.

Ilaha booliisku ma sheegin khasaare kale ama dhaawac kale. Diyaaradda burburtay ayaa ahayd mid aan la isticmaali karin, waxaana iska lahaashirkadda diyaaradaha Iraq Airways, sida ay sheegeen.

Saldhigga ciidamada cirka ee Maraykanka oo loo yaqaano Camp Victory, waxa uu ku yaalaa agagaarka madaarka rayidka ee Baqdaad.

Weerarada gantaalada ah oo ay Maraykanka iyo qaar ka mid ah saraakiisha Ciraaq ku eedeeyaan kooxaha shiicada ah ee taabacsan Iran ee ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Maraykanka ee gobolka ayaa si joogto ah u garaacayay xarunta sanadihii u dambeeyay.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Qabtay Gaari Qaraxyo Ku Rarnaayeen
Next articleOdayaasha Soo Xulaaya ergada Dooranaysa 6 Kursi oo La Shaaciyay