Home Wararka Maanta Gantaallo lagu garaacay aagagga milatari ee Israel

Gantaallo lagu garaacay aagagga milatari ee Israel

0

Xisbullah ayaa dhowr gantaalku tuurtay Golan Heights-ka la heysto kadib markii diyaarado ay weerareen gudaha Lubnaan, iyadoo cabsida dagaalka ay sii kordheyso.

MIlitariga Israa’iil ayaa sheegay inay xalay garaaceen keydka hubka ee Xisbullah oo ku yaalla Dooxada Bekaa. Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in hal qof uu ku dhintay 30 kalena ay ku dhaawacmeen.

Iyadoo ka jawaabeysa, Xisbullah, oo ay Iiraan taageerto, waxay sheegtay inay beegsatay aagag militari oo Israa’iil leedahay oo ku yaalla Golan. Israa’iil ayaa sheegtay in labo guri ay gantaalladu ku dhaceen isla markaana hal qof uu ku dhaawacmay.

Dhanka kale, dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Fatax ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay dishay xubin sare oo ka tirsan garabkeeda hubeysan ee ku sugan Lubnaan si ay dagaal uga cusbooneysiiso gobolka.

Militariga Israa’iil ayaa sheegay in Khalil al-Makdah ay ku dileen duqeymo ay ka geysteen magaalo-dekadeedka koofureed ee Sidon sababo la xiriira inuu matalayay Ilaalada Kacaanka uuna ku lug lahaa agaasinka weerarrada iyo inuu hub geeyo Daanta Galbeed ee la heysto.

Waxaa la sheegay inuu yahay weerarkii ugu horreeyay ee lagu qaado xubin ka tirsan Fatax tan iyo billowgii dagaalka, kaasoo horseeday inay kordhaan weerarrada xadka ka gudba ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Xisbullah.

Xiisadaha ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay kordhay kadib markii Israa’iil ay Beyruut ku dishay taliye sare oo ka tirsanaa Xisbullah, kaasoo ay ku eedeysay inuu 12 carruur ah ku dilay weerar.

Ilaa iyo haatan, in ka badan 530 qof ayaa lagu dilay Lubnaan, waxaana ka mid ahaa 130 rayid, iyo 49 qof oo lagu dilay Israa’iil, ayna ka mid yihiin 26 rayid ah. Ku dhowaad 200,000 oo qof ayaa laga barakiciyay xadka labada dhinac.

Wasiirka Difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa ciidamada u sheegay Talaadadii in xarunta militariga ay kasoo wareegtay Gaza ayna usoo wareegeyso xadka Lubnaan.

Subixii Arbacada, Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa ku dhawaaqay in diyaarado ay xalay garaaceen tiro keydadka hubka ee Xibsullah ah.

IDF ayaa sidoo kale sheegay inay beegsadeen dagaal-yahannada Xisbullah oo ku sugnaa magaalada xadka koofureed ee Beit Lif.

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in duqeymaha gobolka Bekaa uu ku dhintay ha qof, oo aan magaciisa la sheegin, isla markaana sagaal carruur ah ay ka mid ahaayeen 30-ka dhaawacmay.

Iyadoo ka jawaabeysa duqeymaha, Xisbullah ayaa weerartay saldhigga IDF oo ku yaalla Golan Heights.

IDF ayaa sheegtay in ilaa 50 gantaal laga soo tuuray Lubnaan isla markaana qaarkood ay ku dhaceen deegaanka Katzrin.

Nin 30 jir ah ayaa waxaa dhaawac kasoo gaaray haraaga gantaal markii gurigiisa uu dab qabsaday, sida ay sheegtay waaxda gawaarida degdegga ah ee Magen David Adom.

Ad
Previous articleItoobiyaan Airline iyo Dubai Fly oo Deg Deg uga Soo Jawaabay Hanjabaadii Dowlada Soomaaliya Udirtay
Next articleDiyaarada Itoobiyaan Airline oo Caawa loo Qabtay Inay Dalabka Dowlada Kasoo Jawaabaan loona Diiday…