Home Wararka Maanta Ganacsato Goordhow Lagu laayay Magaalada Muqdisho

Ganacsato Goordhow Lagu laayay Magaalada Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab maanta ka gaysteen gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo loo gaystay saddex ganacsato ah oo ku sugnaa degmadaasi.

Ganacsatada saddexda ah ee la dilay ayaa ku sugnaa goobahooda ganacsi, waxaana weeraray maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo toogtay, kadibna baxsaday.

Wararka ayaa sheegayan in ganacsatadan loo beegsaday kaamirooyin ay ku xireen dukaamadooda, kadib markii ay amartay dowladda Soomaaliya.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in ragga la dila ay indhowanahaan hanjabaad kala kulmayeen kooxda Al-Shabaab, balse ugu dambeyn la khaarijiyay.

Sidoo kale waxaa goobta uu dilku ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo maydadka marxuumiinta kasoo qaaday halka lagu dilay, waxaana la geeyay xarunta C.I.D.

Dilkan waxaa ka horreeyay mid kale oo isna xaafadda Suuqa Xoolaha dhowaan loogu gaystay ganacsade Cabdinaasir Daahir Diirshe oo goobtiisa ganacsi ku xiray Kaamiro CCTV, waxaana toogasho ku dilay rag afka soo duubtay oo ugu tegay xaruntiisa ganacsi.

Horay sidaan oo kale Al-Shabaab ayaa u beegsatay goobo ganacsi oo lagu xiray kaamirooyinka CCTV, kadib amar kasoo baxay dowladda, waxaana xarumaha qaar lala beegsaday qaraxyo u geystay khasaarooyin lixaad leh.

Inta badan ganacsatada ayaa u hoggaansamay amarka dowladda, laakiin waxa ay u noqdeen dhibanayaal, maadaama ay beegsanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo alshabaab Kasaaray Dhowr Magaalo oo Muhiim ah
Next articleAxmed Madoobe oo Ku dhawaaqay Go’aan ka Nixiyay Xasan shiikh