Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xirtay ganacsato badan oo u hoggaansami waayey nidaamka canshuurta iibka ee lasoo rogay, taas oo dhowaan uu ka dhaqan-gashay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafaar Xaange oo u warramay Telefishinka Universal ayaa sheegay in xasbiga la dhigay ganacsato kor u dhaafeysa illaa 100 qof, isla markaana loo haysto inay hareer mareen nidaamka qaadista canshuuraha.
Cabdiqafaar Xaange ayaa sheegay in ganacsatada lasoo xiray ay adeegsanayeen taleefoono gaar ah oo loogu dirayay lacagaha, halka ay ahayd inay adeegsadaan Merchant oo ah adeegga la canshuurayo 5%, haddii uu lacag ku tuuro qofka wax iibsanayo.
“Dad badan oo isku dayay inay ka leexdaan waddadii loogu talagalay canshuurta ka leexday, isla markaana isticmaalayo lamaro gaar ah ayaa soo baxay maanta an idin la hadlayo waxaa xarumaha dowladda la horkeenay dad ka badan 100 qof oo lagu qabtay iyaga oo ku ganacsato lambaro oo ka leexday Merchant” ayuu yiri wasiirku Xaange.
Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in ganacsatada laga rabo inay adeegsadaan oo kaliya lamarbka Merchant-ga, haddii kale ay wax ku iibsadaan lacag kaash ah oo kaliya.
“Ganacsiga waxaa waajib ku ah inuu wax ku kala iibiyo oo kaliya Merchant, haddii kale oo uu laca caddaan ah wax ku gadanayane waa la ogol yahay” ayuu mar kale yiri wasiirku.
“Xeerka ganaaxa ee canshuuraha wuxuu u dhaqan-galayaa si tartiib tartiib ah, maalin kastana sidaas ayay u soconeysaa” ayuu sii raaciyay