Home Wararka Maanta Ganacsatada Soomaalida ee Islii oo ka walaacsan hadalkaan oo uu sheegay madaxweynaha...

Ganacsatada Soomaalida ee Islii oo ka walaacsan hadalkaan oo uu sheegay madaxweynaha Kenya

0

Guddiga Ganacsatada xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi ayaa ka walaacsan hadal uu dhowaan sheegay madaxweynaha Kenya William Ruto, kaasoo ku saabsanaa dhismaha guryaha dhaadheer ee xaafadda.

Maalintii Sabtidii, oo ay ku beegneyd sanadguurada 60-aad ee Ciidamada Cirka Kenya, ayaa munaasabadda dabaaldegga wuxuu Madaxweyne William Ruto ka sheegay inay tahay in sharciga la raaco marka guryo laga dhisamyo meel u dhow saldhigga ciidamada ee xaafadda Eastleigh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo xerada militariga ee Saldhigga Moi oo ku taalla isla xaafadda.

Wuxuu guddigu sheegay in loo baahan yahay in lakala saaro howlaha dhismaha ee sharciga ah iyo kuwa aan sharciga ahayn.

Cumar Xuseen oo ah Xoghayaha Guud ee Guddiga Ganacsatada xaafadda oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dadka guryaha dhista ay markii horeba soo maraan sharciga iyo maamulka magaalada Nairobi.

“Hadalkan uu hadda madaxweynaha ku dhawaaqay iyo kii uu bil kahor jeediyay ee ahaa in dabaqyada guryaha la dhisanayo la gaarsiin karo 30 maaddaama dhulku ciriiri yahay, wuxuu ganacsatada ku keeni karaa walaac iyo in la dhibaateeyo oo la dhoho sharci maaha gurigan ee jooji” ayuu yiri.

Cumar ayaa sheegay in ciidamada cirka ay madaxweynaha kala hadleen dhismaha dhaadheer ee laga ag dhisayo xerada militariga, si aan qalqal loo gelin xerada.

“Ganacsatada Islii wya u hoggaansan yihiin sharciga, laakiin waxaan diidannahay in dadka la dhibo oo si aan sharciga waafqsaneyn loo soo maro oo wixii ay ku talogaleen qalqal laga geliyo. Waxaan rabnaa inaan madaxweynaha kala hadalno arrintan.”

Dhanka kale, Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatada Islii Cabdiraxmaan Daahir oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu guddigu qabtay ayaa sheegay in dadka guryaha dhista ay raacaan sharciga, isla markaana ay tahay in hadalkan uusan saameyn iyaga.

“Waxaan rajeyneynaa inaan xoojinno sida ay nooga go’an tahay raacidda tallaabooyinkan annagoo ku dhiirrigelineyna dhammaan dadka guryaha dhisa inay raacaan qorshooyinka la meel mariyay ee ay siisay dowladda hoose ee Nairobi” Ayuu yiri.

Madaxweyne Ruto ayaa munaasabadda sanad-guurada Ciidamada Cirka Kenya oo ka dhacday Saldhigga Militaraiga ee Eastleigh ka sheegay in kadib la tashiyo ay dowladdiisa sameysay ay go’aansatay in lagu taagnaado in dadka guryaha dhisaya laga xaddido dabaqyada oo aysan ka dheeraan 12 dabaq.

Arrintan ayaa loo aaneeyay xaafadda oo u dhow saldhigga ciidamada cirka, si looga fogaado khataraha ammaan ee ka imaan kara dabaqyada dhaadheer amaba inaysan diyaaradaha saameyn dhismaha dhaadheer.

Bil kahor, Ruto ayaa booqday xaafadda Eastleigh wuxuuna sheegay in dowladdiisa ay ka qaadday xayiraadaha, isagoo sheegay in dadka guryaha dhisa ay xaq u leeyihiin in dabaqyada dhismaha ay gaarsiiyaan 25-30.

Ruto ayaa sheegay in tallaabada looga gol lahaa in guryo badan loo helo bulshada aadka u koreysa ee magaalada.

Balse wuxuu ka laabtay hadalkiisii hore, wuxuuna sheegay in dowladda oo la tashi la sameysay dowladda hoose ee Nairobi ay raaci doonto shuruucda lagu xaddidayo dhismooyinka dabaqyadana lagu soo koobayo 12.

Dadka guryaha dhisa ayaa haatan ka walaacsan go’aannadan kala duwan, iyo inuu saameyn karo hadalkan dambe ee madaxweynaha, waxayna doonayaan inay kulan la yeeshaay dowladda hoose ee Nairobi, si ay u helaan xal, gaar ahaanna kuwa goor hore la ansixiyay qorsheyaashooda dhismaha guryaha dhaadheer.

Ad
Previous articleCiidamada NISA oo Dhaqan layaab leh Xalay ku Kacay Dad Badana Xabsiga Dhigay
Next articleMaraykanka oo Ka Hadlay Dhaqaatiir Alshabaab u Afduubnaa oo Duqayn Lagu Dilay