Home Wararka Maanta Galmudug oo soo bandhigtay Saraakiil ka tirsan Shabaab oo isa soo dhiibay...

Galmudug oo soo bandhigtay Saraakiil ka tirsan Shabaab oo isa soo dhiibay (Sawiro)

0

Saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa la sheegay inay isku soo dhiibeen ciidanka dowladda ee howl-galada kawada Aaga u dhexeeya Guriceel iyo ceelbuur, ee gobolka Galgaduud Maamul Goboleedka Galmudug.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen inay xiriir la soo sameeyeen Ciidamada ee qaybta ka ah howl-galada culus ee Alshabaab looga saarayo Deegaanada ay joogaan ee u dhexeeya Ceelbuur iyo Guriceel iyo Madaxda Barnaamijka qaran ee dhaqancelinta maleeshiyadka DRP ee Galmudug.

Saraakiishaan oo lagu kala magacaabo Maxamed Nuur Bare   iyo Mowliid Cumar faarax  (Ciro) ayaa sheegay in ay ka tanaasuleen Al-Shabaab, iyagoo Codsaday in la cafiyo, diyaar u yahay in ay la dagaallamaan Al-Shabaab.

Gaashaanle sare Cabdulaahi Cabdi Raage oo ka tirsan saraakiisha NISA ee Galmudug iyo Gaashaanle Dhexe Cabdulqaadir Maxamed Cartan ” Gasaawe” oo qayb ka ah saraakiisha Qaybta 21-aad oo soo dhaweeyay xubnahan Alshabaab kasoo tagey ayaa sheegey in ragan ay xiriir lasoo sameeyeen saraakiisha ciidanka, sidaasna ay ugu suurta gashay inay isisoo dhiibaan.

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleDhageyso: Cabdi Qeybdiid ” Qofkii Shabaab Taleefan ka qabta Hantidiisa waan dhaceynaa Asaga waan xireynaa
Next articleWar Hada AH: Qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo oo Khasaaro kasoo gaaray