Home Wararka Maanta Galmudug oo Shaacisay Talaabada Xigta oo ay Qaadi Doonaan Kadib Go,aankii Xalay...

Galmudug oo Shaacisay Talaabada Xigta oo ay Qaadi Doonaan Kadib Go,aankii Xalay kasoo baxay ee Hubkii lagu Boobay Caabudwaaq

0

Wasiirka amniga maamul goboleedka Galmudug Maxamed Aadan Gaboobe oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan hubkii maalin kahor lagu dhacay waqooyiga gobolka Galgaduud.

Wasiir Gaboobe ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan markii hore la socon hubkaas, balse ay ka war heleen markii uu soo galay xuduudka, kadibna ciidamo loo diray.

“Annaga waxaan ka war helnay marka uu xuduudka soo galay hubkan, kolley hay’adda sirdoonka ayaa la socotay iyada ayaana dirtay ciidanka” ayuu yiri wasiir Gaboobe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay wadaan baaritaanno ku aadan cidda hubkaas soo gelisay Galmudug iyo halka uu ku socday, kadibna ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Dhiaca kale wasiirka amniga Galmudug ayaa soo hadal qaaday xiisadda haatan ka taagan degmada Caabudwaaq oo loo diray ciidamo horleh, wuxuuna tilmaamay in ujeedkooda aanu ahayn in la weeraro shacabka, kadibna si xoog looga soo furto hubka u gacan galay.

“Ma jirto xeelad xoog ama awood ciidan ah oo aan shacabka ugasoo celineyno hubka balse qorshe kale ayaan isticmaaleynaa” ayuu mar kale yiri wasiirka amniga Galmudug.

Maxamed Aadan Gaboobe oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in wada-hadal iyo shirar ay la yeelan doonaan waxgaradka deegaanka, si ay ugala shaqeeyaan soo celinta hubkaasi.

“Waxaa lala tashanayaa dadka waxgaradka ah dadka hubka wixii halis ah ee dhibaato u keenaya ayay muhiimadda tahay in la ogaado kadibna waxgaradka ayaa lala sheekeysan doonaa iyaga ayaana nagala qayb qaadan doonto” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in hubkan lagu siday laba gaari oo xamuul ah, midna uu waday qoryaha kan kale rasaasta, dhammaana ay la wareegeen shacabka.

Dowlada Somaliya oo ku Dhawaaqday Xiliga la Qabanayo doorashada goleyaasha degaanka

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, G/ kuxigeenka Saadiq Abshir Garaad iyo qaar ka mid ah Xubnaha guddiga ayaa si wada jir ah u

Dagaal ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish ku dhexmaray Togga Miiraale oo Warar laga helayo

Dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish oo ka dhacay aagga Togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah. Inta la

Madaxweyne Xasan Shiikh oo maanta gaaray Furuumaha hore ee Dagaalka:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan Degmada Aadan Yabaal oo uu ka hoggaaminayo hawlgallada xoreynta deegaannada

Sarkaal Dhawaan kasoo goostay Kooxda Daacish oo isoo Meyd ah la helay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari , ayaa sheegaya in uu geeriyooday Cabdiraxmaan Shirwac Aw Siciid (Laahoor) oo horey uga tirsanaa saraakiisha sar sare ee kooxda Daacish,

Turkiga oo Muqdisho Keenay Diyaaradaha Bayraktar Akıncı ee Dron-ka ah

Sida aan xogta ku heleyno dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho maanta keentay labo diyaaradood oo nuuca dagaalka ah, kuwaa oo loogu tala galay in ciidanka xoogga dalka  Soomaaliya ka caawinayaan
Ad
Previous articleMaxay tahay dacwadda laga gudbiyay Xildhibaan Abiib oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland?
Next articleWar Deg Deg ah: Dowlada Soomaaliya oo Qaadaysa Maantay Talaabadii Ugu Horaysay ee ay kusoo Celinayso Hubkii Lagu Boobay Duleedka Caabudwaaq