Home Wararka Maanta Galmudug oo qabtay Markab Laga Leeyahay Shiinaha

Galmudug oo qabtay Markab Laga Leeyahay Shiinaha

0

Markab laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu qabtay isagoo kalluumaysi sharci darro ah ka waday xeebaha Galmudug, ayaa lasii daayay, iyadoo aan sharciga la horgeynin.

Urur lagu magacaabo Somalia Marine Fisheries oo si dhow ula socda kalluumaysiga sharci darrada ah ee xeebaha Soomaaliya, ayaa sheegay inuu soo gudbin doono baaritaanka horudhac ah oo ay ku sameeyeen sababta lagusii daayay markabka, isagoo aan sharciga la marsiin.

Somalia Marine Fisheries ayaa ku tilmaamtay sii daynta markabkan xeelad cusub oo lagu qarinayo kalluumeysiga sharci darrada ah.

Maraakiibta Kalluumeysiga dalka Shiinaha ayaa si xad dhaaf ah uga kalluumeysanaya badda Soomaaliya, waxaana loo sababeynayaa heshiis wasaaradda kalluumaysigu sannadkii 2018 la gashay Ururka Kalluumeysiga Dibadda  ee dalka Shiinaha oo loo gaabiyo COFA.

Somalia Marine Fisheries waxay ku talisay si loo dhimo kalluumeysiga xad-dhaafka ah ee maraakiibta Shiinuhu ka wadaan badda Soomaaliya in la baabi’iyo Is-fahamka COFA.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleCiidanka NISA oo Muqdisho ka sameeyay Howlgalo Dad lagu soo qab qabtay
Next articleMadaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo Dhuusamareeb ku Soo Laabtay (Sawiro)