Home Wararka Maanta Galmudug oo Noqotay Meesha Ugu Horaysa oo laga Qodaayo Shidaalka Soomaaliya

Galmudug oo Noqotay Meesha Ugu Horaysa oo laga Qodaayo Shidaalka Soomaaliya

0

Maalmo ka hor ayey ahayd marii magaalada Ankara ee dalka Turkiga ay heshiis ku saabsan shidaalka ay ku wada saxiixdeen dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga sida ay daabacday wakaaladda wararka Tukriga ee Anadol oo soo xiganeysa waiirka Tamarta iyo Macdanta dalka Turkiga Alparslan Bayraktar oo arrintaan ku dhaawaqay Khamiistii.

Heshiiska oo ay qalinka ku wada duugay waiirka Tamarta iyo Macdanta dalka Turkiga Alparslan Bayraktar iyo dhigiisa Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Heshiiska ayaa xaq u siinaya dowladda Turkiga shidaal iyo gaaska dabiiciga ay ka baarto Soomaaliya ka dibna ay ka soo saarto saddex aag oo midkiiba ku fadhiyo ilaa 5,000 oo kilimitir oo isku wareeg ah sida uu sheegay wasiirka Tamarta Turkiga Bayraktar.

Labada ka mid ah aagagga ayaa waxay 50 kilimitir loo galayaa badda, halka mid ka mid ahna uu gudaha badda loo aadayo ilaa 100 kilomitir.

Halkee ku yaallaan Xirmooyinka?

Sida uu BBC-da u sheegay agaasimaha guud wasaaradda Batroolka iyo macdanta Maxamed Xaashi Carabay, Turkida ayaa bisha Sebtember ee sanadkan samayn doona Sahaminta shidaalka goobihii lagu heshiiyey inay shaqada shidaalka ka qabtaan Soomaaliya.

Goobaha ay Turkigu ka bilaabayaan sahaminta iyo qodista shidaalka ayuu agaasime Xaashi ku sheegay inay ku yaalaan dhanka badda ee gobolka Mudug ee maamulka Galmudug.

“Saddexda aag ay hadda qaateen waa inta u dhaxaysa Xarardheere iyo Hobyo, halkii aagna waa ilaa 5,000 oo kilomiter oo isku wareeg ah, ” ayuu yiri Carabay.

Wuxuu sheegay in Sembeter ay Turkigu soo diri doonaan markabka iyo howlwadeena bilaabaya qorshadaha sahahimta shidaalka ka dibna ay guda gali doonaan shaqada

“Waxay samaynayaan marka hore sahaminta samaynayaan wax la dhaho 3D, markay ku sahamiyaan ka bacdi waa qiimayn waxay soo saaray warbixin, ka dibna waxay arkayaan meesha laga qadoyo ka dib markaas ayey qodista bilaabayaan” ayuu BBC-da u sheegay agaasime Xaashi.

Agaasime Maxamed Xaashi Carabay, ayaa intaa raaciyey in ka dib qiimaynta ay qodistu shidaalka ee Turkiga agaas ka bilaaban doonto saddexda bilood ee hore ee sanadka cusub ee 2025-ka.

Ad
Previous articleMooshin Ka dhan ah Raysulwasaare Xamse oo La saxiixay Meel Xasaasi ahna Maraaya
Next articleMuxuu Maantay U Sheegay madaxweyne Xasan Shiikh Xildhibaanada Beesha Direed?