Home Wararka Maanta Galmudug oo ka warbixisay Shirka dhawaan ka furmaya Dhuusamareeb

Galmudug oo ka warbixisay Shirka dhawaan ka furmaya Dhuusamareeb

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan shir isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada, kaas oo ka dhacaya Magaalada dhuusamareeb si looga arrinsado arrimaha doorashooyinka dalka.

Shirka oo maanta qorshuhu ahaa in uu ka furmo dhuusamareeb ayaa u muuqda in uu dib u dhacay maadaama weli Madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada aysan tegin magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aysan jirin mas’uul soo gaaray Magalada Dhuusamareeb si uu uga qyeb-galo shirka balse uu rajeynayo inay tegi doonaan.

Wasiirka oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in Galmudug ahaan ay jecel yihiin in shirkaasi uu furmao, isla markaana ay u diyaar garoobeen marti-gelinta Shirkaasi.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Magaalada Dhuusamareeb uu kajiro amni la isku haleen karo, isla markaana laamaha Amniga dowladda & kuwa Galmudug ay siwyen u xaqiijinayaan Amniga Magaalada.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug inay tagaan wafdiyo horudhac u ah Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Ad
Previous articleMadaxweynaha Puntland oo kulamo wadatashi ah bilaabay ka hor safarkiisa Dhuusamareeb
Next articleDhageyso: Cabdi Rashiid Janan oo qiranaya in Ciidan looga qabtay Dagaalka Balad-Xaawo