Home Wararka Maanta Galmudug oo Digniin Adag udirtay Puntland oo Faragalin Qaawan ku Haysa Maalmahaan

Galmudug oo Digniin Adag udirtay Puntland oo Faragalin Qaawan ku Haysa Maalmahaan

0

Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa digniin culus u diray maamulka Puntlnad, oo uu ku eedeeyay in uu diiwaan-gelinta doorashada ka sameynayo deegaano ka tirsan kuwa Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in fara-gelinta Puntland ee gudaha Galmudug ay tahay mid aan la aqbali doonin, islamarkaana ay ka laabtan sida ugu dhaqsaha badan, sida uu sheegay.

“Waxaa leenahay dhulkaas waa dhul Galmudug oo dadka dega waa dad reer Galmudug ah, raali ugama noqoneyno in fara-gelin qaawan kusoo sameeyaan deegaanada Galmudug. Waxaa naga dhaxeeya ixtiraam, wada dhalasho iyo daris-wanaag, sidaas darteed waxaa leenahay yaan la daadin nabada halkaasi taalla,” ayuu yiri.

Wasiir Abshir Cabdi Shiiqow ayaa waxa uu sheegay in deegaanada Puntland ay sameeysay diiwaan-galinta xadgubka ah ay kamid yihiin Dhinowda, Hirsalaama iyo deegaano kale oo katirsan degmada Gaalkacyo.

“Galmudug waxay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato doorashooyinka qof iyo cod ee la rabo in Soomaaliya laga hirgeliyo, waana bogaadineyna meel kasta oo Soomaaliya kamid ah doorashooyinkaas laga qabto laakiin waxaa mooda in dad iyo deegaan dushooda oo aysan metelin Puntland ay tahay kicinta fidno waqti dheer hurdeysay.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Puntland waa inay arrintaas ka wantoobaan. Caalamka waxaa leenahay ka digtoonaada in waqti iyo kharash ku bixisaan doorashooyin aan aheyn tii saxda aheyd. Puntland kama taliso dhulka lacagta ku bixineysaan gaar ahaan Dhinowda iyo HirSalaama oo maalmahan ay ka wadeen diiwaan-gelin.”

Digniinta kasoo baxday Galmudug ayaa kusoo aadeysa xilli ay Puntland muddo 3 maalin ah ay ka wado diiwaan-gelin doorashada qof iyo codka ah deegaanada Dhinowda iyo Hirsalaama iyo xaafado ka tirsan magaalada Gaalkacyo.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleMaxkamadda Ciidamada oo Goordhow toogatay Cabdi Shakuur iyo Cabdi Jamaal Horay U Dilay Askar iyo Shacab
Next articleSarkaal iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo howlgal qorsheysan lagu dilay