War saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada maamulka Galmudug ayaa walaac xooggan looga muujiyay khilaafka ku yimid hanaankii doorashada iyo dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal.
Galmudug qoraalka kasoo baxay ayaan cid toos ah farta loogu fiiqin , waxa ayna Madaxtooyada Galmudug cadeesay go’aan kasta oo hal dhinac ah in uu khatar gelin karo wadajirka iyo wada shaqeynta gollaha wadatashiga Qaran.
Halkan ka akhriso go’aanka kasoo baxay Galmudug
Dowladda Galmudug waxay aad uga walaacsantahay xaaladda khilaafka kasii daraya ee ku yimid hanaankii doorashada oo marayay meel gebogabo ah.
Dowladda Galmudug waxay ka xuntahay doorashooyinkii oo heer gebogebo ah maraya oo ay foodda inagu soo heyso dhaarintii Xildhibaanada labada aqal ee BFS, in la abuuro jawi xasilooni darro siyaasadeed oo dhaawici kara dhameystirka doorashooyinka.
Dowladda Galmudug waxay garawsantahay in doorashooyinka dalka lagu soo waday wadatashi, isu-tanaasul iyo wadar-ogol, go’aan kasta oo hal dhinac ahna wuxuu khatar galin karaa wadajirka hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran.
Dowladda Galmudug waxay adkayneysaa baahida loo qabo ilaalinta hanaankii lagu heshiiyay, taasoo xaqiijineysa khilaaf kasta in lagu xaliyo wadajirka Madasha Wadatashiga Qaranka.
DHAMMAAD