Home Wararka Maanta Galmudug iyo Dowlada Somaliya oo heshiis dhex dhigay Beelaha ku dagaalamay Deegaanka...

Galmudug iyo Dowlada Somaliya oo heshiis dhex dhigay Beelaha ku dagaalamay Deegaanka Xanan-buure

0

Waxaa Galabta heshiis horudhac ah laga gaaray dagaalkii labada maleeshiyo Beeleed ku dhex-maay degaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud, kadib kulamo maalmihii la soo dhaafay ka socday halkaas.

Odayaasha labada Beelood ay kasoo kala jeedaan maleeshiyaadkii dagaalamay ayaa saxiixay heshiiska horudhaca ah oo ka kooba 12 qodob, waxaana la go’aamiyay in muddo todobaad gudahood ah la isku keeno si loo dhameystiro heshiiska.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Odayaasha Dhaqanka & Waxgaradka labada Beelood ayaa goobjoog ka ahaa madasha heshiiska lagu gaaray, waxaana heshiiska garwadeen ka ah wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiramaan Al-Cadaala, Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed iyo Masuuliyiinta ka tirsan Galmudug .

Hoos Ka Akhriso 12 Qodob oo uu ka kooban yahay heshiiska horudhaca ah ee la gaaray.

  1. Odoyaasha Dhaqanka labada Beelood waxaa ay ka xun yihiin colaadii foosha xumeyd ee dhex martay waxaana ay katacsiyadeynayan qasaarihii ka dhashay naf iyo maal.
  2. Waxaa la isla gaaray xabad joojinta buuxda oo shuruud la’aan ah taasoo ka hirgasha dhamaaan deeganada ay colaadu sameysay.
  3. Xabad joojintan waxaa ay kawada Dhaqane galeysaa dhamaan deeganada labada beelood wada degaan ee ay colaadu saameysay.
  4. In laga fogaado waxkasta oo xabad joojinta wax u dhibi Kara ficil iyo hadal intaba si loo soo celiyo kalsoonida bulshada.
  5. In deegaanka Xananbuure dib loogu celiyo dadkii shacabka ahaa Ee ka barakacay si noloshu ay caadi ugu soo noqoto.
  6. Cidii jabisa xabad joojinta waxaa loo aqoonsanayaa qaswade waxaana ciidanka amnigu fasax u qabaan In ay ka qaadaan tilaabada ku haboon.
  7. Waxaa la dhisay guddi ka kooban 15 xubnood oo ka kala imaanaya beelaha uu dagaaalku dhex maray iyo xubno ka socda Maamulka Galmudug.
  8. Laga bilaabo 13/02/2021 waxaa ka mamnuuc ah deegaanka Xananbuure in lagu dhex wato hubka waaweyn iyo midka yar yar iyadoo cidii Lagu arko ay ciidamada amnigu amar u heystaan in ay kala wareegaan hubka, qofka watana ay ka qaadaan tilaabada ku haboon.
  9. Gaadiidka gaarka loo leeyahay Ee lagu ogaado inuu ka qeyb qaadanaayo ficilada nabadgalyada lidka ku ah waxaa uu wajihi doonaa ciqaabta ku haboon.
  10. Laga bilaabo maanta 13/02/2021 qofwalba oo geysta fal dambiyeed waxaa odoyaasha labada beel waajib ka saaranyahay inay soo qabtaan eedeysanaha iyagoo gacan ka helaya ciidanka amniga.
  11. Muddo 7 beri gudahood ah waxaa la dhigi doonaa gogol dib u heshiisiineed oo ay labada beel kuwada hadlaaan si looga heshiiyo dhamaan waxyabaha sababay dagaalka.
  12. Waxgaradka iyo odoyaasha labada dhinac waxaa ay u mahad celinayaan cid kasta oo heshiiskan gacan ka geysatey.

Madaxweynaha Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Hay’adda SoDMA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana xarunta ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Madaxweynaha Galmudug

Caalamka:- Dowlada Sacudiga oo 14 Dal African ah ka joojisay Visa Cumrada

Maamulka sare ee Boqortooyada Sacuuduga, ayaa si KMG ah u hakiyay in viisooyinka cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoysaska xilligan la siiyo dadka kasoo jeeda 14 dal , kuwaa oo kasoo

Donald Trump oo Shaaciyay Hadalo Hanjabaad ah oo ku socda Iiraan

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa xalay shaaca ka qaaday in dowladda Iran diyaar u tahay in ay la galaan wadahadallo toos ah ay uga wada hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo

Caalamka:- Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda

Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda
Ad
Previous articleMaamulada Galmudug iyo Puntland oo soo saaray go’an wadajir ah
Next articleDowlada Somaliya oo ka hadashey Dhag-xaan lagu xiray Wadada Dabka