Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn xoogan oo xalay diyaarado dagaal ay ka fuliyeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Duqeynta oo ahayd bartilmaameed ayaa si gaar ah uga dhacday agagaarka deegaanka Xawaadley, halkaas oo uu shalay ka dhacay weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen ciidamada dowladda, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in duqeynta lala eegtay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, waxaana gaaray maleeshiyada khasaare culus.
Xogta ayaa sidoo kale sheegeysa in la burburiyay gawaari ay kooxda soo dhoobtay halkaasi, kadib markii ay ka war heleen diyaaradaha oo dhowr madfac ku dhuftay goobta.
Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan duqeyntaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Xawaadley oo ay horay uga baxeen ciidamada ATMIS ayaa waxaa maalmahan culeys soo saaray kooxda Al-Shabaab oo weeraro ku haysay saldhigyada ciidamada dowladda.