Home Wararka Maanta Gabar yar oo Gobalka Mudug ugu geeriyootay dhiigbax ka dhashay Gudniin Lagu...

Gabar yar oo Gobalka Mudug ugu geeriyootay dhiigbax ka dhashay Gudniin Lagu sameeyay

0

Gabadh 13 jir ah oo ku nooleyd tuulada Jeerinle oo deegaan ahaan hoostagta magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug ayaa u geeriyootay dhiig-bax xoogan, kadib markii lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah.

Gabadha yar oo lagu magacaabi jirey Fartuun Xasan Axmed ayaa si weyn u qabsatay geerideedu wakaaladaha wararka caalamiga ah, ayada oo lagu soo waramayo in dhacdadaan ay tahay middii ugu horeysay ee tan iyo sanadkii 2018-ka, oo xiligaas gabadh yar oo 10-jir ah ugu geeriyootay isla gudniinkaas.

“Waxaan raadinay gaari si aan u qaadno isbitaal, laakiin nooma uusan suura-galin inuu nasoo gaaro waqtigii loogu tala-galay. Ma aanan ogeyn waxaan sameyn lahayn. Markii dambe waxaan helnay gaari, laakiin way dhimatay nasiib darro markii uu yimid,” ayey tiri Nadiifo oo ah hooyada Fartuun Axmed.

Hooyo Nadiifo ayaa sheegtay in gabadheeda ay la joogtay ayada oo dhiig baxeysa saacado badan, laga soo billaabo subixii hore ilaa 4:00Pm galabnimo oo aheyd xiligay geeriyootay gabadha yar.

Sidoo kale, Aabaha dhalay Fartuun oo araga naafo ka ah oo la hadlay warbaahin caalami ah ayaa sheegay in Gabadhiisa yar ay ka caawin jirtay shaqada reerka, ayada oo si fiicana u daryeeli jirtay

“Wax walba way ii samayn jirtay. Way i caawin jirtay wayna ii karin jirtay cuntada, waxayna xanaanayn jirtay xoolaha markii aan nasanayo,” ayuu yiri Xasan Axmed oo ah aabaha dhalay Fartuun yar.

Xigasho Caasimadda

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleMunaasabad lagu dhiira galinayay Ardaydii kaalmaha Hore ka galay imtixaankii Dowladda dhaxe oo lagu qabtay Caabudwaaq {Sawiro}
Next articleMareykanka oo xaqeejisay in Duqeymo ay ka fuliyeen Gobalka Mudug