Home Wararka Maanta Gabar Soomaali ah oo ka mid noqotay dadkii lagu laayay Swedan

Gabar Soomaali ah oo ka mid noqotay dadkii lagu laayay Swedan

0

Qamar Hilowle, oo aheyd hooyo Soomaali ah oo saddex carruur ah dhashay iyo 38 jir, ayaa ka mid noqotay tobanka qof ee lagu dilay weerarkii toogasho ee ugu dhimashada badnaa taariikhda Sweden, kaasi oo lagu qaaday iskuul ku yaalla Örebro.

Weerarkan, oo ka dhacay Campus Risbergska 4-tii Febraayo, wuxuu argagax ku abuuray guud ahaan dalka, wuxuuna dib u kiciyey doodo xooggan oo la xiriira xagjirnimada iyo xakamaynta hubka.

Dowladdu waxay sheegtay in ninka weerarka geystay uu yahay Rickard Andersson, oo 26 jir ah, horeyna looga diiwaangeliyay xiriir uu la lahaa kooxaha xagjirka ah. Waxa uu rasaas furay xilli duhur ah, isagoo si bareer ah u beegsaday arday iyo shaqaale kahor inta aysan booliisku xakameyn.

Inta badan dhibbanayaasha, oo ay ku jirtay Qamar, waxay asal ahaan ka soo jeedeen qowmiyado kala duwan, taasoo sare u qaaday shakiga laga qabo in weerarku salka ku hayey naceyb iyo aragtiyo xagjir ah.

Qamar waxay Sweden timid 17 sano ka hor, iyadoo ka soo carartay dagaalka sokeeye ee Soomaaliya. Waxay qaadatay dhalashada Sweden, iyada oo dalka u aragtay hoy ammaan ah iyo fursad nololeed. Waxay daryeeshay saddex carruur ah—mid 15 jir ah, mid 11 jir ah, iyo mid 2 jir ah—iyadoo dadaal ugu jirtay inay ka shaqayso caafimaadka.

“Waxay mar walba ahayd qof naxariis badan, daryeel leh, waxayna hubin jirtay in dadka kalena wanaagsanaadaan,” ayuu yiri walaalkeed, Cali.

“Waxay ahayd qof farxad badan, mararka qaar xitaa kaftan badan. Xitaa xanuunkii foosha ugu darnaa, waxay la kaftantay dhakhtarka. Qamar waxay ahayd qof naadir ah—hooyada ugu fiican adduunka,” ayay tiri Anisa.

Sanadihii u dambeeyay, dad badan oo Soomaali-Swedish ah ayaa dib ugu laabtay dalkoodii hooyo, balse Qamar marnaba ma aysan tegin. Waxay ka baqaysay hubka iyo in ay mar kale la kulanto rabshado.

“Waxay aad u jeclaan lahayd inay waalidkeed aragto, laakiin waxay si aad ah uga baqaysay hubka iyo fursadda ah in la toogto,” ayay tiri Anisa.

Nasiib-darro, cabsideedii ugu weynayd waxay uga timid meel ay u haysatay hoy nabdoon. Xilli ay ku sii socotay qadadeeda, Qamar waxay la kulantay xabbado, taasoo ka dhigtay mid kamid ah dadkii naftooda ku waayey weerarkii argagaxa lahaa ee dalka gilgilay.

“Wali wax walba waxay u egyihiin riyo xun oo aan laga toosi karin,” ayuu yiri walaalkeed, Cali.

Weerarkan ayaa sababay in bulshada Sweden ay si weyn u dalbato in la adkeeyo sharciga hubka, waxaana hadda baaritaan lagu hayaa taariikhda Andersson, iyadoo dalka uu wajahayo mid ka mid ah maalmahiisii ugu madoobaa.

Dhibbanayaasha Weerarkii: Magacyadooda, dalalka ay ka soo jeedeen iyo da’dooda

  • Salim Iskef, 29 (Suuriya): Shaqaale daryeel caafimaad ah oo wax ka baranayay caafimaadka. Wuxuu qorsheynayay inuu guursado bisha Luulyo.
  • Bassam al Sheleh, 48 (Suuriya): Cunto kariye caan ah, oo lagu xasuusto farxadda uu faafin jiray. Wuxuu ku jiray barashada afka Swedish.
  • Qamar Hilowle, 38 (Soomaaliya): Hooyo saddex carruur leh, wax ka baranaysay afka Swedish iyadoo ku riyoonaysay inay noqoto kalkaaliye caafimaad ama macallin carruurta.
  • Elsa Teklay, 32 (Eritrea): Ardayad caafimaad oo rabtay inay noqoto dhakhtar, kana shaqeynaysay daryeelka dadka waayeelka ah.
  • Ali Mohammed Jafari, 31 (Afghanistan): Shaqaale nadaafadeed, ku noolaa Karlskoga. Wuxuu ka tagay xaas iyo ilmo.
  • Niloofar, 46 (Iiraan): Ardayad kalkaaliye caafimaad ah, waxay ka tagtay saygeeda, Hossein.
  • Aziza, 68 (Ciraaq/Kurdistan): Macallimad xisaabeed muddo dheer ahayd, lehna kanaal YouTube ah oo leh in ka badan 120,000 subcribers.
  • Haweeney aan la magacaabin, 52 (Sweden): Ku noolayd Glanshammar, waxay ka tagtay saygeeda iyo ilmo.
  • Haweeney aan la magacaabin, 54 (Sweden): Ku noolayd Örebro, waxay lahayd carruur qaangaar ah.
  • Haweeney aan la magacaabin, 55 (Sweden): Ku noolayd Örebro, waxay ahayd qof keligeed noolaa.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleTrump miyuu la bixi doonaa Ciidamada maraykanka ee Gudaha Soomaaliya Jooga?
Next articleDagaal laga cabsi qabo inuu markale ka qarxo israil iyo xamaas