Home Wararka Somaliya Galmudug Gabar ninkii ay Xariirka Jacaylka kala Dhaxeeyey uu ku Dilay Galmudug

Gabar ninkii ay Xariirka Jacaylka kala Dhaxeeyey uu ku Dilay Galmudug

0

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dil dad badan ka argagaxeen, kaddib markii nin uu si bareer ah duleedka magaalada Cadaado ugu dilay gabar xiriir jaceyl kala dhaxeeyay.

Sida aan wararka ku helnay ninka dilka geestay oo qoray watay ayaa u tagay gabadha xiriirka kala dhaxeeyay oo magaceeda lagu soo koobay Nuura, waxa uuna ninkan gabadha ka codsaday in ay soo gabagabeeyaan xiriirkooda isna guursadaan , balse gabadha ayaa ka dhaga adeegtay taas oo keentay in uu toogto.

Ninka dilka geestay ayaana goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana taagan hadda xiisad ka dhalatay dilka gabadha loo geestay, iyadoona lasoo sheegayo rag maleeshiyaad ah oo ku heyb ah gabadha la dilay doonayaan in ay u aargudaan gabadhooda gardarada loo dilay.

Odayaasha dhaqanka magaalada Cadaado ayaana lasoo sheegayaa in ay ku baxeen xiisada ka dhalatay dilka gabadha, waxa ayna odayaasha isku dayayaan in arrintan aysan sababin dhimasho kale lana raadiyo xal xiisada lagu qaboojin karo.

Dilkan loo geestay gabadha diiday in la guursado ayaa waxaa ka naxay dadka kunool magaalada Cadaado iyo deegaannada ku xeeran, waxa ayna ehelada gabadha la dilay codsanayaan in caddaaladda deg deg loo horkeeno gacankudhiiglaha , si looga baaqsado dhibaato kale oo dhacda.

Ad
Previous articleDowlada oo deg deg ku Tagtay Dakada Kadib Cabashadii Ganacsatada Muqdisho
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Suuqa Bakaraha oo Xaalkiisu ka Sii daray