Home Wararka Maanta Gabar garsoore ah oo u dhalatay dalka Rwanda oo taariikh lama ilaawaan...

Gabar garsoore ah oo u dhalatay dalka Rwanda oo taariikh lama ilaawaan ah kuna faanayaan qaarada Afrika ka sameeneysa koobka Adduunka

0

Gabar garsoore ah oo u dhalatay dalka Rwanda ayaa taariikh lama ilaawaan ah kuna faanayaan qaarada Afrika ka sameeneysa koobka Adduunka ee sida xamaasada leh xilligan uga socda dalka Qatar.

Salima Radia Mukansanga, ayaa lagu soo daray garsoorayaasha dhax dhaxaadinaya ciyaaraha koobka adduunka ee Qatar ka socda, waxa ayna noqonaysaa gabadhii ugu horreysay ee Afrikaan ah ee dhex dhexaadisa ciyaaraha Koobka Adduunka.

Gabadhan oo iyada oo da’yar bilowday in ay noqoto garsoore kubadda cagta ayaa heer sare ka gaartay, waxa ayna muddo ka badan afar sanno aheyd garsoore ka dhax dhaxaadisa horyaalka heeka koobaad ee dalka Rwanda .

Mukansanga ayaa dhexdhexaadisay tartankii koobka qaramada Afrika ee 2022 ee lagu qabtay dalka Cameroon, halkaas oo ay soo bandhigtay qaab garsoore wanaagsan, waxaana ka mid ahaa ciyaartii u dhaxaysay Guinea iyo Zimbabwe, kaas oo ahaa mid ay qaarada oo dhan ay ku baratay Mukansanga.

“Waxaan aaminsanahay in wax qabadkeeda AFCON uu yahay meeshii ugu horeysay ee FIFA ay ku ogaatay taas oo keentay inay hesho fursad ay ku dhexdhexaadiso ciyaaraha Koobka Adduunka ee Qatar. Mukansanga si kadis ah kuma jirto koobka aduunka sidoo kale ma joogto sababtoo ah waa haween, waxay u joogtaa sababtoo ah waxay ku fiican tahay waxa ay sameyso.” ayuu yiri Nsabiman oo ah wariye ka faalooda ciyaaraha.

Gabadhan garsooraha ka noqon doonta koobka adduunka ee ka socda dalka Qatar ayaa magac weyn sameyn doonta, waxaana kulanka ay dhax dhaxaadin doono garsoorayaal kale oo u dhashay waddamo kala duwan.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleGo’aano adag oo kasoo baxay Shir ay yeesheen Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Mudulood iyo Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka Qayb galay
Next articleCiidamadda Somaliland Oo Gacanta Kusoo Dhigay Nin Dil Ka Geystay Gudaha Hoteel Ku Yaala Hargeysa.