Home Wararka Maanta Gaalkacyo :- Barlamaanka Puntland oo Shaaciyay in Magaaladasi laga Furay Xaruumo gaar...

Gaalkacyo :- Barlamaanka Puntland oo Shaaciyay in Magaaladasi laga Furay Xaruumo gaar ah oo Khamriga Lagu Iibiyo

0

Xildhibaano katirsan golaha wakiilada Puntland ayaa walaac xooggan ka muujiyey dhibaatada uu maandooriyaha khamrigu ku hayo deegaamada Puntland iyo sida ay wax ka qabashadiisa uga gaabiyaan Hay’adaha ammaanka iyo garsoorka ee u idman.

Xildhibaan Mowliid Abukar Abkey, Guddoomiyaha guddiga xuquuqul Insaanka iyo arrimaha qoyska ee barlamaanka Puntland oo ka hadlay Garoowe ayaa sheegay in Khamrigu noqday Masiibo qaran, isagoo tusaale u soo qaatay Magaalada Galkacyo oo iibinteeda loola soo banbaxay goobaha dadweynaha.

Waxa uu sheegay in kormeer ay ku tageen Galkacyo ay kula kulmeen guryo si cad loogu iibiyo Khamriga, iyadoo hay’adaha ammaanka ee ku shaqada leh ka gaabiyeen waxka qabashada masiibadaasi ku dhex baahaysa qaybaha kala duwan ee bulshada.

“Waxaan ku aragnay Galkacyo guryo cad oo lagu gado maandooriyaha oo lagu yaqaano sidii dukaamadii ayey u furan yihiin, qolalkiibaannu soo aragnay cid walba oo ay qusaysay waa kala hadalnay laakiin cid dheg jalaq u siisay maleh”, Ayuu yiri xildhibaan Mowliid Abuukar Abkey.

Dhanka kalena, Xildhibaanka ayaa ka dalbaday inay ka shaqeeyaan sidii loo fulin lahaa xeerarka iyo shuruucda Puntland uga deggan Khamriga iyo guud ahaanba Maandooriyaha oo uu sheegay inay nqodeen kuwa fadhiid ah oo aan dhaafin xafiisyada madaxda.

“Anigu waxaan qabaa inaan dabakhno xeerarka inoo deggan oo ku dabagalno hay’adaha ay qusayso sidii loo fulin lahaa, cid walba oo maandooriye lagu qabtana ciqaab la marsiiyaa hantidoodana lala wareego”, Ayuu yiri Xildhibaan Mowliid Abuukar Abkey.

Ad