Home Wararka Somaliya Puntland Gaadiid Siday Hub Farabadan oo Soo Gaaray Puntland iyo Maleeshiyaad isku Dayaybinay...

Gaadiid Siday Hub Farabadan oo Soo Gaaray Puntland iyo Maleeshiyaad isku Dayaybinay boobaan

0

Xogo dheeraad ah ayaa laga helaya hub fara badan oo kasoo gudbay xadka Itoobiya, kaasi oo xalay ay isku dayeen dad shacab ah inay boobaan sidii kal horey uga dhacday dalka.

Hubkan oo qeyb ka tahay saanad ciidan ayaa la sheegay inuu maamulka Puntland kasoo iibsaday Itoobiya, ayaa waxaa saaka si nabad ah kusoo gudbiyay ciidamo hubeysan oo ka tirsan maamulka.

Ciidamada Puntland dheeriga ayaa gurmaday kadib markii maleeshiyaad hubaysan ay xalay isku dayeen in ay furtaan hubkaasi oo marayay degmada Bookh ee gobolka Doollo, balse ay ka difaaceen ciidamo ka tirsan kuwa dowlad deegaanka Soomaalida.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in is-rasaasayn xooggan laga maqlay gudaha degmada Bookh kadib markii mileeshiyaadka hubaysan isku dayeen in ay furtaan gaadiidkii hubka saarna ee u siday dhinaca Puntland.

Waxaase si adag hubkaasi u difaacay ciidamo ka tirsan dowlad deegaanka, kuwaasi oo aroornimadii hore ee saaka ku wareejiyay ciidamada Puntland oo iyagu soo galbiyay islamarkaana si nabad ah ku keenay.

Itoobiya ayaa muddooyinkan dambe kordhisay hubka dhankeeda ka soo gudbaya ee soo galaya gudaha Soomaaliya, xilli ay labada dal ka dhaxeyso xiisad xooggan oo salka ku haysa is-afgaradkii uu Abiy Axmed la saxiixday Muuse Biixi.

Horay waxaa loo ogaa in deegaanno ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug ay hub sidan oo uga soo gudbay xadka Itoobiya lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq, kaas oo halis hor leh abuuray.

Ad
Previous articleDuqii Degmada Gaalkacyo oo Is Casilay
Next articleTurkiga oo ay ku adkaatay Heshiista Soomaaliya iyo Itoobiya oo Markaan layimid Qorshe Kale